Maraykanka iyo Ruushka oo bilaabay inay ka wadahadlaan Xiisadda Ukraine

Washington(Aftahannews):- Wasiirrada arrimaha dibedda ee Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka wada hadlaya arrinta Ukraine saacado ka dib markii Obama uu ugu baaqay Ruushka inay ka baxaan gudaha waddanka Ukraine oo ay Millateriga Ruushku galeen.

140304023952_obama_and_putin_512x288_ap_nocredit

140302133936__73313036_b19c2306-df1b-42e8-9a8f-c3d1c504dca1

140305014831_troops_crimea_624x351_ap_nocredit

140304023952_obama_and_putin_512x288_ap_nocredit

John Kerry iyo Sargey Lavrov ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiisadda u dhexaysa labada dal ee billaabatay kaddib markii uu Ruushku ciidammo geeyay gobolka Crimea ee Ukraine.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay Ruushka inuu ciidammadiisa kala baxo gobolka Crimea ee dalka Ukraine. Obama ayaa hindisay in la dhiso guddi komeerayaal ah oo hubiyo inaan lagu xadgudbin dadka ku hadla afka Ruushka ee dalkaas Ukraine. Ruushkla ayaa haatan si buuxda gacanta ugu haya gobolka Crimea.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay “fal gardarro ah”, balse madaxweynaha Ruushka ayaa arrintaas ku gacanseyray. Iyadoo xiisad ay u dhexaysa Ruushka iyo reer galbeedka, ayaa Moscow waxay sheegtay inay tijaabisay gantaal u kala gooshi karo qaaradaha.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lagu guulaystay tijaabada gantaalkan. Ruushka ayaa ka digay in ciidankooda ay u gudbi doonaan gobollada kale ee ku yaalla bariga Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa isaguna ku hanjabay in dalkiisu siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan u go’doomin doono Ruushka. Madaxweynaha Ruushka Viladamir Putin ayaa ku gacanseyray arrintaas.

Waxaa uu sheegay in cunaqabatayn kasta oo lagu soo roga Ruushku ay saamayn ku yeelan doonto dhinacyada oo dhan. Ruushka ayaa ciidan u diray gobolka Crimea ee Ukraine kaddib markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Viktor Yanukovych.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com                                         

Hargeysa/Somaliland.