Xukuumadda oo shaacisay inay soo qabatay ninka ku eedaysan dilka Taliyihii Booliska Xaaji-Saalax

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND CALI WARAN-CADDE

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta ku soo dhigtay ninka ku eedaysan inuu fuliyey dilka Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh oo toddobaadkii hore dablay hubaysani dileen goor habeennimo ah.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in ninkaas ku eedeysan dilka Allaah ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska Xaaji Saalax. “Waxaan jecelahay inaan dadweynaha ugu bushaareeyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii Xaaji Saalax  taas oo uu imika ku jiro gacanta dawladda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde oo Warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Waxaanu Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Arrintaas oo ah mid aad u qiimo badan, aniga oo u mahad-naqaya dhammaanba dadkii nagala shaqeeyey sidii aannu gacanta ugu dhigi lahayn gacan-ku-dhiiglahaas oo dilay Sarkaal Ciidanka Booliska ah oo Madax ka ahaa Booliska Laan-Mullaaxo ee Xaaji Saalax.”

Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu u mahad-celiyey Ismaamulka dawlad-deegaanka Soomaalida killalka Shanaad ee Itoobiya ee deegaannada Bariga dalkaas, Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Odayaasha gobolka Daad-madheedh oo ay ka mid yihiin labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan Marxuumka la dilay iyo ninka ku eedaysan dilkiisa, kuwaasoo uu dhammaantood sheegay inay gacan wayn ka geysteen soo qabashada eedaysanahaas, waxaanu si gaar ah ugu mahad-naqay Booliska Somaliland oo uu sheegay inaanay hadh iyo habeentoona ka seexan soo qabashada ninkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay Hawlo nabadayn ah oo ay ku tageen qaar ka mid ah gobollada Bariga Soomaliland, waxaanu yidhi; “Waxaannu ku guulaysannay  in shaqaaqooyinkii ka dhacay dhinaca Bariga iyo Hawdka dalka inay si wanagsan u dhammadeen oo ay dhammaantoodba meel fiican  oo nabadgelyo aannu gaadhsiinnay.”

Aftahannews.com

Aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.