Khatarta ka soo fool leh Sunta Wasiir Buureed sheegay in Badda Somaliland lagu Shubay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxa Maareynta Khashinka iyo Ka- Xakameynta khatarta Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti, ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray, waxa uu kaga hadlay Waraysi uu toddobaadkan Wargeyska Himilo oo ka soo baxa Hargeysa uu siiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo uu ku sheegay in ay hayaan war sheegaya in Maraakiibi ay Xeebaha degmada Laas-qoray ee Somaliland sun ku shubeen.

Maxamed Faarax waxa uu War-Saxaafadeedkiisa kaga digay khatarta ka dhalan karta Suntaas oo uu sheegay inay dadka, deegaanka iyo duunyadaba saamayn ku leedahay marka laga yimaaddo dhibaatada ay ku keenayso Noolaha Badda ku dhex-jira, inay kuwa Berrigana saamayn taban ku yeelanayso, loona baahan yahay in bulshada looga digo halista suntaas. Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkiisa oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska wararka Aftahannews ee magaalada Hargeysa uu u dhignaa sidan:-

“Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa 1 bishan saddexaad  Waraysi uu siiyey Wargeyska Himilo oo ka mid ah Warbaahinta ka soo baxda Hargeysa, ku sheegay in Maraakiib shisheeye ay sun ku qubeen meelo ka mid ah Badda Somaliland, balse Wasiirku suntaasi khatarta iyo saameynta ku soo fool leh badda iyo deegaanka qaylo-dhaan kamuu bixin.

Tani maaha wax la sahashan karro summaha iyo wal-xaha kale ee lagu daadiyey Baddeena, taasina waxay saameyn khatar ah ku keeni kartaa khayraadka baddeena, deegaankeena iyo caafimaadka bulshadeena , haddii aan laga hortagin, oo aan la iska kaashanin sidii gacan bir ah la iskaga qaban lahaa maraakiibta ku soo xadgudbaysa baddaheena eek u daadinaya sumaha iyo walaxa kale.

Sidaa daraadeed, annagoo ka duulayna siyaasadda fayo-dhowrka wasaaradda caafimaadka,  waxaanu qaylo-dhaan u diray dhamaan haydaha caalamiga ah ee Illaada badaha nool inay soo faragaliyaan arrimahan xaasaasiga ah, si loo baadho khatarta sumahan ay ku keeni karaan khayraadka badda iyo deegaankaba, waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa  Maraakiibta suntan ku daadisay  badda Somaliland iyo xad-gudubka ay ka wadaan  badda Somaliland.

Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in shir-degdeg ah laga yeesho oo aan la dhayalsan khatarta sunta uu sheegay wasiir buureed in lagu daadiyey badda Somaliland, hadday noqon lahayd Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda, wasaaradda Caafimaadka iyo Baarlamaanka iyo guurtidda.”

Aftahannews.com

Aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.