Messi : Halyeey Is-mahadiyay Oo Hoygiisii Biyo Ugu Soo Galeen

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa ciyaartoyda qarankiisa ugu soo galay qolka labiska kulankii ay 6-1 guuldaro ah kala kulmeen Spain, waxaana lagu soo waramayaa inuu hadalo dhiiro-gelin ah u sheegay si uu ugu yaraan u ilowsiiyo wixii ku qabsaday gudaha garoonka.

Lionel Messi ayaa ka soo muuqan labadii kulan oo ay qarankiisa la ciyaareen Italy iyo sidoo kale Spain kuwaas oo loogu diyaar garoobayay koobka Aduunka ee bartamaha sanadkaan ka dhici doona Russia.

Diego Costa ayaa furay bandhigga goolasha La Roja, waxaana shan gool kale sii raaciyay xidigaha Thiago Alcantara, Iago Aspas iyo Isco Alcaron oo sadexley dhaliyay, halka goolka qura ee xulka Argentina uu dhaliyay Nicolas Otamendi.

Lionel Messi waxay kaamirooyinka qabteen isagoo ka sii dagaya tarabuunka garoonka markii uu Isco dhaliyay goolka 6-aad ee qarankiisa iyo midkiisii saddexaad, waxaana la helay xog ku saabsan inuu qolka labiska kusii sugayay ciyaartoyda.

Mar uu la hadlayay saxiibadiisa wuxuu ku yidhi: “Waa inaan si wadajir ah uga baxnaa. midnimo” waxaana kashifay shabakadda Diario Ole la yidhaahdo.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugnaa goobta ayaa u xaqiijiyay Diario Ole in ciyaartoyda ay si fiican ugu jawaabeen. “Muxuu sameeyay Leo?. Maya, aad ayuu u fiicnaa, sida daacadda ah waan u baahneyn”

Dhanka kale Diego Costa ayaa si adag u difaacay Lionel Messi isagoo sheegay iney mar walba Argentina ku mahdiyaan iney heysta isaga oo kale kaas oo mar walba kala duwanaasho sameyn kara.

Khadarjamac (Khadar Jacayl)