Ninkii Dadka Ku Laayay Iskuulka Florida Oo Maxkamad La Soo Taagay

Suspected school shooter Nikolas Cruz makes a video appearance in Broward County court before Judge Kim Theresa Mollica. Cruz is facing 17 charges of premeditated murder in the mass shooting at Marjory Stoneman Douglas High School in Parkland. ...SOUTH FLORIDA OUT; NO MAGS; NO SALES; NO INTERNET; NO TV...

Florida (Aftahannews):- Wiil 19 ah oo lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay 17 arday oo wax ka baranayay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Florida ayaa lasoo taagay maxkamad.

Nikolas Cruz, oo isagoo xidhan dharka maxaabiistaa isla markaana gacmaha ka xidhan kasoo muuqday maxkamdda ayaa dacwad oogayaashu ay u sheegeen in uu ku eedeysan yahay 17 dacwo oo dil ula kac ah.

Garsoorihii maxkamadda, Kim Theresa Mollica, ayaa Cruz u sheegay inuu ku eedeysanyahay danbiyo halis ah. Garsooraha ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo Cruz.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhammaan saraakiisha waddanka kala hadli doono sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha dhinaca maskaxda si looga hortago kuwa geysta dil wadareedka gudaha Mareykanka.