Faah-faahin Dheeraada Sababaha Keenay Is Casilaada Ray’iisal Wasaaraha Itoobiya?

Addis Ababa (Aftahannews):- Iscasilaada Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa imaneysa iyadoo dalka uu ku jiro qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon ay wadaan Qowmiyada Oromada.

Desalegn ayaa Iscasilaadiisa ku sheegay in ay muhiim u tahay degenaashaha iyo la sameeyo dib u habeyn dhinaca maamulka ah, nabada waarta iyo dimuquraadiyad,

Dibadbaxyada Itoobiya ee isbadal doonka ayaa bilaabmay dhammaadkii 2015-kii, iyaga oo markii danbe ku fidey gobollada Oromada iyo Amharada, waxaana dibadbaxyadii ugu danbeeyay ee dhacay ku dhintay 10 ruux halka tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.
Inkastoo uu is casilay ra’iisal wasaare Desalegn haddana xilka ayuu baaqi ku sii ahaan doonaa ilaa baarlamaanka uu ogolanayo soo jeedistiisa lana magacaabayo ra’iisal wasaare cusub Waxana uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.

 

Haddaba, Faah-faahinta sababaha keenay is-casilaadda Desalegn halkan hoose ka daawo