Madaxweyne Farmaajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Garoowe

Garoowe (Aftahannews)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa soo gaadhay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Farmaajo iyo xubnihii Wafdiga la socday, ayaa Garoonka diyaaradaha waxaa loogu soo dhaweeyay si wayn, waxaana halkaasi lagu sii diyaariyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha u diyaarsanaa.

Sidoo kale dad aad u fara badan oo xaafadaha Magaalada Garowe isaga kala yimid, ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee maanta ka dagay Magaalada Garowe.

Ammaanka Garoowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada Koofi Gaduuda Madaxtooyada Somaliya oo maalin ka hor halkaasi la geeyay iyo ciidanka Puntland.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb gali doono munaasabad kooban oo xadhiga looga jaraayo dhismaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe oo dib u dhis lagu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in caawa uu ku hoydo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.