Xiddigaha Ugu Qaalisan Dunida Iyo Kaalinta Uu Kaga Jiro Coutinho

Barcelona oo si rasmi ah saacadaha soo socda u soo bandhigi doonta qodobbada heshiiska ay la gashay Coutinho, ayaa waxay u shubi doontaa Liverpool lacag kaash ah oo dhan €120million oo u dhiganta (£106.4m) iyo €40milyan oo u dhiganta (£35.5m) oo ay mar dambe bixin doonto, iyadoo bandhig ciyaareedkiisa ay ku xidhnaan doonto.

Coutinho ayaa gellinkii dambe ee wakhtiga Ingiriiska waxa uu u duulay waddanka Spain, halkaas oo si rasmi ah loogu soo bandhigi doono heshiiskiisa iyo lambarka uu u xidhan doono kooxdiisa cusub ee Barcelona oo noqon doona 7, kaas oo uu bannaynayo Arda Turan oo la filayo inuu ka tago Camp Nou.

Coutinho ayaa noqonaya ciyaartoyga labaad ee dunida ugu qaalisan, waxaana ka horreynaya laacibka ay isku waddanka yihiin ee Neymar oo £198million ay PSG kaga iibsatay Barcelona.

Tobankii ciyaartoy ee ugu qaalisanaa sayladda ciyaaraha:

Neymar (Barcelona to PSG, £198m – 2017)

Philippe Coutinho (Liverpool to Barcelona, £142m – 2018)

Ousmane Dembele (Borussia Dortmund to Barcelona, £97m – 2017)

Paul Pogba (Juventus to Manchester United, £89m – 2016)

Gareth Bale (Tottenham to Real Madrid, £86m – 2013)

Cristiano Ronaldo (Manchester United to Real Madrid, £80m – 2009)

Gonzalo Higuain (Napoli to Juventus, £75.3m – 2016)

Neymar (Santos to Barcelona, £71.5m – 2013)

Khadar Jaamac Dirir (KhadarJacayl)