Liverpool Oo Soo Xero-gelisay Riyad Mahrez

Saacado kooban kaddib markii uu Phiipe Coutinho ka tegay Liverpool ee uu ku biiray Barcelona, heshiiskiina lla shaaciyey, waxa markiiba soo baxay ciyaartoyga ay Reds ku beddelayso booskiisii ee lambarkiisii loo xidhi doono.

Liverpool ayaa la sheegay inay heshiis la gashay xiddiga Leicester City ee Riyad Mahrez, kaas oo la wariyey inuu gellinka dambe ee Axadda maanta uu baadhitaanka caafimaadka marayo, isla markaana heshiiskiisa lagu dhawaaqi doono fiidka.

Liverpool oo lacag dhan £142million  ku iibisay Coutinho ayaa waxay ugu dambayntii qayb ka mid ah lacagtaasi u adeegsan doontaa Riyad Mahrez, kaas oo aan deggenaansho ku dareemaynin King Power Stadium.

Warku wuxuu sheegay in Liverpool ay £49million kula wareegayso Mahrez oo u dhashay waddanka Algeria, kaas oo ka garab ciyaari doona Mohamed Salah, Firmino iyo Mane, taas oo ka dhigan in ciyaaryahannada afka hore ee ugu caansan Liverpool ay noqonayaan Afrikaan, maadaama Mahrez, Salah iyo Mane ay kasoo kala jeedaan Algeria, Masar iyo Senegal.

Khadar Jamac Dirir (Khadar Jacayl)