Madaxweynaha Somaliland oo Dhiggiisa Jabuuti Si Diirran u soo dhaweeyey iyo Kulammo u Bilaabmay – Akhri/Daawo

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MADAXWEYNAHA JABUUTI SI DIIRRAN U QAABBILAY 2018

Djibouti(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa maanta Safarkiisii ugu horreeyey ee uu dalka kaga baxo intii uu xilka qabtay ku tageen, waxaana Gegeda Diyaaradaha Caasimadda Jabuuti ku qaabbilay Madaxweynaha Dalkaas iyo Masuuliyiin kale.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MADAXWEYNAHA JABUUTI SI DIIRRAN U QAABBILAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee Warbaahinta qaabbilsan oo uu soo diyaariyey Weriyaha Weftiga ula socda Warbaahinta dawladda Ridwaan Caydiid Akiid, ayaa Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, Qoraalka Warkaas iyo Muuqaalka Soodhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi uu u sameeyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer caalami ah, meeqaamkeeduna sareeyo loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, markii ay gaadheen madaarka diyaaraha ee dalkaasi, oo ay ku sugayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mida golihiisa wasiiradu.
Markii ay soo cagadhigatay diyaaradii siday weftiga madaxweynaha Somaliland oo iyadu ahayd diyaarad khaasa oo madaxweynaha Somaliland ka qaatay madaarka Cigaal International Airport, geysayna madaarka Jabuuti, iyadoo ay madaxweynaha ku hoos sugayaan diyaarada wasiirada Arrimaha dibeda iyo wasiirka maaliyada ee Jabuuti iyo buxno kale oo ka mida dawladda Jabuuti oo uu wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ka dibna waxa loo sii gelbiyey dhinaca qolka nasashada (VIP)-da oo uu ku sugayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle oo isagu marti-qaadka u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi si balaadhana u qaabiley una soo dhaweeyey dhigiisa Somaliland ayaa qadar nasasho ah ka dib madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey Hotel Kempinski oo ay weftigu ka degan yihiin.

Waxaana la filayaa in uu maalinta beri ah si rasmi ah u qabsoomi doono kulanka labada madaxweyne ay yeelan doonnaan, kaasi oo noqon doona mid lagu soo qaado lagagana wada hadlo danaha labada dal iyo ta geeskaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Qoraalka ah ee Aftahannews.com soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.