Laba Duuliye oo Isku-dhex Laayey Diyaarad Hawada Ku Jirta iyo Amakaaggii Rakaabka

DIYAARAD LAYSKU DHEX LAAYEY 2018 Jet-Airways

Hargeysa, (Aftahannews)- Shirkadda diyaaradaha ee Jet Airways ayaa hawshii ka joojisay labo ka mid ah duuliyeyaasheeda oo la sheegay in ay isku dhex dagaaleen shidhka ama qaybta hore ee diyaaradd laga wado.

DIYAARAD LAYSKU DHEX LAAYEY 2018 Jet-Airways

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Diyaaradda ayaa ka soo kacday magaalada London kuna sii jeeday magaalada Mumbai marka ay arrintaasi dhacday. Jet Airways ayaa xaqiijisay in is fahan la’aantaasi ay dhacday habeenkii sannadka cuusub ayna dhex martay duuliyeyaasha.

Waxay intaas ku soo dartay in duuliyeyaashii hawshaas ku lugta lahaa shaqadii duulimaadyada laga joojiyay baadhitaanna ay sugayaan.

Diyaaradaas waxaa saarnaa 324 oo rakaab ah waxayna iyadoo badqabta cago dhigatay magaalada Mumbai.

Sida ay warbaahinta Hindiya oo dad goob joogeyaal ah soo xiganaysa ku warrantay, dhacdadan ayaa timid ka dib markii duuliye nin ah uu dhirbaaxay duuliye kale oo dumar ah.

Haweenayda ayaa qaybta hore ee diyaaradda ka soo baxday xoogaa ka dib ayayna dib ugu laabatay qaybta diyaaradda laga wado.

Khadar Jaamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.