Ciyaaryahan Cagaf-cagaf Ku Tagay Garoonka Kubbadda Kooxda Arsenal

CIYAARYAHAN CAGAF KU TEGAY GAROON CIYAAREED 2018

Aftahannews(Sports)- Sida caadada ah, waxay ciyaaryahannada kubadda cagtu ku tagaan garoomada tababarka baabuur qaali ah oo aad u qurux badan, hase-yeeshee, waxa dhaqankaas jebiyey xiddiga Arsenal ee Alexis Sanchez oo garoonka carbiska Gunners ku tegay cagafta beeraha lagu qoto.

CIYAARYAHAN CAGAF KU TEGAY GAROON CIYAAREED 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tababarkii gellinka hore ee Arbacada ee ay Gunners iskugu ciyaarinaysay ciyaarta Chelsea, ayaa waxa uu laacibka u dhashay waddanka Chile ee Sanchez uu iskaga xaadiriyey garoonka tababarka cagaf uu ku xidhan yahay buudhigii ay ku qaadanaysay alaabta.

Lama garanayo sababta uu sidaas u yeelay, hase yeeshee, waxa ay dadka wax fasiraa ku tilmaameen inuu muujinayey inuu ku sugan yahay marxalad farxad ah oo uu ciyaar wanaagsan soo bandhigay, isla markaana uu ugu sheegayo ciyaaryahannada kooxdiisa inay culays badan isa saaraan si ay u garaacaan Chelsea, kulanka garoonka Emirates Stadium.

Tababarkaas waxa ka qayb galay ciyaartooyo badan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda waddanka Ingiriiska, sida JJack Wilshere, Danny Welbeck iyo Theo Walcott, hase yeeshee, waxa iyaguna ku wehelinayey da’yarta ay isku waddanka yihiin ee Joe Willock, Ainsley Maitland-Niles iyo Eddie Nketiah.

Tababare Wenger waxa haysata dhibaato, iyadoo ay kooxdiisa dhaawac kaga maqan yihiin Nacho Monreal, Olivier Giroud, Aaron Ramsey iyo Sead Kolasinac, sidoo kalena uu shaki ku jiro Laurent Koscielny.

Khadar Jamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.