Qodobbo Maamulka Hawada iyo Isticmaalka Qabyaaladdu ka mid yihiin oo lagaga Dooday Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, ayaa Shirkoodii labaad tan iyo intii Madaxweyne Muuse Biixi soo magacaabay oo ay maanta yeesheen, kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Maamulka Hawada Soomaaliya la wareegtay ee dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, isticmaalka Qabyaaladda Warbaahinta laga baahiyo iyo kor u qaadista Qiimaha Lacagta Somaliland.

SHIRKII LABAAD EE GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xambaarsanaa Qodobbada la iskula qaatay Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ee Khamiistii maanta qabsoomay oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu Nuqul ka mid ah War-Saxaafadeedkaas oo soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com u dhignaa sidatan:-

“Kal-fadhigii labaad (2aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.

Waxaanay u dhignaayeen Qodobada ka soo baxay shirku:-

  1. In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.
  2. In la xoojiyo go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.
  3. In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.
  4. In  xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala ah:-

Ø  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,

Ø  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad

Ø  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

Ø  Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi

Ø  Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo

Ø  Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale). ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Qoraalka ah ee Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay Maanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.