Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabay Xilal Cusub

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay Agaasimayaal cusub oo ka mid noqon doonno Xukuumaddiisa.

Sidaa waxa lagu yidhi Qoraal Ka soo baxay xafiiska warbaahinta Madaxtooyadda oo u dhignaa sidan:

War-saxaafadeed:03/01/2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka

  1. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
  2. Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
  3. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
  4. Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
  5. Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka
  6. Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland