Diego Costa Muxuu Ka Yidhi Ku Laabashada Atletico Madrid Iyo Casharkii Uu Ka Bartay Chelsea

Weeraryahanka xulka qaranka Spain ee Diego Costa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu laabashada Atletico Madrid oo funaanaddeeda xidhan doono sanandka cusub, kaddib markii uu khilaaf kaga tegay Chelsea oo ay isku dhaceen tababare Conte.

Diego Costa ayaa u sheegay Vitolo oo ay isku koox yihiin, inuu aad ugu faraxsan yahay, kooxdana uga mahadcelinayo dedaalkii ay u gashay inuu dib u soo laabto, muddo dheerna ay ku ahayd wakhtigii uu garoomada ka maqnaa ee xayiraadda saaran Atletico Madrid ay ka hor joogsatay inuu ciyaaro“Waan uga mahad celiyey kooxda, dedaallada ay dib iigu soo celisay. Bilo ayaan sugayay wakhtigan, haddana waxaan doonayaa inaan si degdeg ula soo laabto ciyaar wanaag oo aan kooxda caawiyo. Waa dhab in aanu ka maqanahay Champions League, laakiin waxa aanu u dagaallami doonaa inaanu gaadhno yoolkayaga, walina tartan ayaanu ku jirnaa.” Sidaa ayuu yidhi Diego Costa.

 

Isaga oo ka hadlay muddadii uu joogay Chelsea waxyaabihii uu ka bartay, waxa uu yidhi: “Wax badan ayaan ka bartay Chelsea, waa koox weyn, xusuuso wanaagsana waan ku leeyahay.”

Diego Costa ayaa ciyaaraha ugu soo horreeya ee horyaalka waddanka Spain ku soo laaban doona Atletico Madrid.

Khadar Jamac Dirir