Xidhiidhka FIFA  Oo Garsoorayaal Soomaali Ah  U Aqoonsaday Heer Caalami

Muqdisho (Aftahannews)-Xidhiidhka kubada Cagta Caalamka ee FIFA ayaa soo saaray Liiska Garsoorayaasha heer Caalami gaadhay kuwaas oo ay kujiraan Garsoorayaal Soomaali ah.

Garsoorayaasha lasoo saaray liiskooda waxaa ka mid ah Garsoorayaasha Soomaaliyeed ee kala ah Cumar C.qaadir Cartan iyo Maxamed Soomaali kuwaas oo loo gartay in ay caalami noqdaan markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Labadaan Garsoore ayaa Sameeyey dadaal dheeraad ah sanadihii la soo dhaafay waxaana la filayaa in ay Guul Magac u soo hooyaan dalkeena Soomaaliya iyaga qaban karaya ciyaar kasta oo kubada Cagta ah oo FIFA ay maamulayso wixii hadda ka danbeeya. Liiska garsoorayaasha FIFA soo saartay iyo dalalka ay u kala dhasheen.

Khadar Jaamac Dirir