Xaddiga Lacagta loo hayo Waddada Ceerigaabo oo ay Guddiga Qaadhaan-ururintu ku soo bandhigeen Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad lagu soo bandhigay Xaddiga Lacagta qaadhaanka Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha, ayaa caawa lagu qabtay xarunta Hay’adda waddoonka Somaliland ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu toddobaadkii hore Wasiirka Madaxtooyada oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaadhaan-ururinta Jidka Ceerigaabo shaaciyey inay soo bandhigayaan dhaqaalaha soo xerooday.

wasiiro-300x179

Waddooyinka-403x215

Shaashada Telefishanka Dawladda ayaa si toos ah looga baahinayay Xafladdan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiin xukuumadda ka socda iyo boqolaal Marti sharaf ah, taasoo lagaga dhawaaqay isu geynta lacag ka badan Shan Milyan oo Dollar oo ku jirta gacanta Guddida dhismaha Jidkaa loo magacaabay, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Xukuumadda ee xaflada ka hadlay. (isu geynta= $500,352.34).

Xafladda ayaa isla caawa ay kaga dhawaaqeen dadkii ka qayb-galay qaadhaan hor-leh, waxaana lagu sharraxay qaabka ay dadku lacagta u kala bixiyeen illaa bilowgii qaadhaan-uruurinta Mashruuca dhismaha Jidka Ceerigaabo la bilaabay dhawr bilood ka hor.

Dadka caawa Munaasibaddaas lagu bandhigay magacyooda ee ka qayb-qaatay Qaadhaan-ururinta lagu dhisi doono Waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco ee gobollada Togdheer iyo Sanaag, waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo bixiyay $6,000 oo Doollar, Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo bixiyey $4,000 Doollar, Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland.

Dhismaha waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo Masaafo ahaan dhan 375KM ayaa lagu qiimeeyay lacagta ku baxaysa Laamiga laga dhisayo lacag kor u dhaafaysa 20 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah, taasoo uu Maxweynaha Somaliland dhagax-dhigay dhawr bilood ka hor.

Gaadiid loogu talo-galay in lagaga hawlgalo dhismaha Jidka Ceerigaabo oo isugu jira Cagafyo kala duwan, Iska-rogooyin, Booyad iyo Gaadiidka dhismayaasha ee ka geddisan, ayaa Khamiistii inna dhaaftay soo gaadhay magaalada Hargeysa, kuwaasoo ay Guddiga Dhismaha Waddadaas uu Madaxweynuhu u magacaabay sheegeen in laga soo iibiyey waddanka Shiinaha, isla markaana laga soo kaxeeyey Dekedda magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo laga soo dejiyey Gaadiidkaas.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.