Wasiir Faratoon oo ka Warramay Dil ka dhacay Wadaamo-goo, Siduu u dhacay iyo Cidda geysatay

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND YAASIIN XAAJI MAXAMUUD XIIR (FARATOON)

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa ka hadlay dil ka dhacay degmada Wadaama Goo ee Gobolka Saraar shay fiidkii sheegayna in dilkaasi uu ahaa mid aano ah  qofna ku dhintay isla markaana ciidamadu ay ku daba jiraan gacan ku dhiiglihii soo qabashadiisa.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND YAASIIN XAAJI MAXAMUUD XIIR (FARATOON)

Waxaanu intaa raaciyay in ka Xukuumad ahaan ay si deg deg ah uga hawl galeen sidii ay dhacdadaa dilka ah gacanta ugu dhigi lahaayeen isla markaana ay uga hor tegi lahaayeen in shaqaaqo kale ay sababto oo ay dadka walaalaha ah ee wada deggen ay dhibaato ka dhex dhacdo ciidamaduna ay hawg galeen.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo goor dhaweyn khadka taleefanka ugu warramay Xogsoor Media.Net oo dilka wax laga waydiiyay ayaa ku jawaabay. “dilkaasi wuxuu ahaa mid aano hore daba socday Marxuumka ku dhintayna ALLE ha u naxariisto Ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna ALLE samir iyo Iimaan haka siiyo.

Dilku markii uu dhacayba dawladdu way ka hawl gashay in aan dhibaatadu halkaa dhaafin oo ciidanka iyo maamulka gobolka iyo ka degmaduba way ka hawl galeen xaaladuna way deggan tahay gacan  ku dhiiglihii oo baxsadayna ciidanka ayaa ku daba jira.”

Wasiirka oo ka jawaabayay Su’aal laga waydiiyay in ay jiraan dad kale o kiiskaas dilka ah loo xidhay,ayaa ku jawaabay; “Kollay marka dil dhoco tallaabooyin badan ayaa la qaadaa oo dhanka ammaanka ah markaa dadna waa la xidhay cid kasta oo baadhistu gashana waa la soo xidhi doonaa oo gacan ku dhiiglaha oo ay ciidanku ku daba jiraan ugu horreeyo  iyo odayaashiisa.”

Waxaanu intaa ku daray wasiir Faratoon. “imika degmadu waa nabad gelyo xaaladuna way deggan tahay dadkana wax dhibaato ah oo ka dhex dhacday ma jiro ciidankii iyo maamulkubana way shaqaynayaan xaaladuna waa nabad gelyo.”

Waxaa kaloo uu Farriin u diray cid kasta oo isku dayda in ay gacan ku dhiiglaha la baxsato ama qariso.”waxaan uga digayaa  dadku in ay isku dayaan in  ay sharciga kala baxsadaan gacan ku dhiiglaha ama ay qariyaan taasoo cidda lagu halea ay ciqaab mari doonto.”

Xigasho Xogsoor Media.Net.