Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Kulan la yeelatay Guddiga Dib-u-Habaynta Xisaabaadka Qaranka

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND SAMSAM CABDI AADAN IYO GUDDIGA DIB-U-HABAYNTA XISAABAADKA QARANKA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Maanta kulan la yeelatay Guddiga dib-u-habaynta Xisaabaadka Qaranka, maaddaama oo la doonayo in Xisaabaadka Qaranka loo beddelo Hab Casri ah, taas oo ay waddo Wasaaradda Maaliyaddu. Mashruuca dib loogu habaynayo Xisaabaadka Qaranka Somaliland, ayaa waxa Maal-gelinaya Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub oo iskaashanaya.

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND SAMSAM CABDI AADAN IYO GUDDIGA DIB-U-HABAYNTA XISAABAADKA QARANKA 2017

Kulanka Wasiirka Maaliyaddu la yeelatay Guddiga Dib u habaynta Xisaabaadka Qaranka Somaliland oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa dib loogu eegayey waxyaabaha Qabsoomay muddada uu socday iyo Caqabadaha ka hor-yimid, si looga gudbo, sidaana waxa sheegtay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam oo Saxaafadda qaarkeed la hadashay markii kulankaasi dhammaaday.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo arrimahaa ka hadlaysaa, waxay tidhi; “Marka hawl la galo ayay wax soo bax-baxaan, markaa waxaanu ka hadlaynay Caqabadaha naga hor-yimid iyo halka looga gudbayo.”

“Waxa kulanka nala jooga Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka ansixiyey Xeerka iyo La Taliyihii caawinayey, Agaasimaha Guud, Guddigii (Dib u habayntu way wada joogaan). Markaa Anigaa ka maqnaa Muddadii Abaaraha, markaa iyaguna waxay ii sheegayeen (Guddigu) waxyaabihii ka hor yimid, markaa waxbaanu meel isla dhignay.:” sidaa ayey Tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.