Magacyada Guddiga Ololaha Doorashada Gobolka Sanaag u Qaabbilsan Xisbiga Kulmiye oo Musharrax Muuse Biixi Magacaabay

GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE MUSHARRAX MUUSE BIIXI CABDI 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axaddii maanta magacaabay Guddiga Ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbigaas uga hawlgeli doonta deegaannada gobolka Sanaag, waxaanay Tirada Guddigaasi ka kooban tahay 25 Xubnood.

GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE MUSHARRAX MUUSE BIIXI CABDI 2017

Wareegtada uu Guddomiye Muuse Biixi ku magacaabay Guddiga Ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye ee gobolka Sanaag, ayaa ka soo baxday Xafiiska Wararka Kulmiye u qaabbilsan ee magaalada Hargeysa, waxaana Nuqul Warqadda Magacaabista ka mid ah oo Warbaahinta Aftahannews.com soo gaadhay u dhignaa sidatan:-

“Ujeeddo: Magacaabista Guddida Ololaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga KULMIYE. Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddiyadda Ololaha Gobolladu u leeyihiin habsami-u-socodka iyo hufnaanta maamulka ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Ololaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 14 October, 2017. Gobollada dhiman waxa la soo magacaabi doonaa dhawaan.

Gobolka Sanaag:

  1. Ibraahim Carraale Cabdi -Guddoomiye
  2. Cali Baashe Xaaji Maxamuud Shire –Guddoomiye Ku Xigeen
  3. Yuusuf Xasan Faarax
  4. Ibraahim Axmed Maxamuud
  5. Maxamuud Raage Ibraahim
  6. Ilhaan Maxamed Jaamac
  7. Siciid Xusseen Axmed –
  8. Maxamed Yuusuf Rooble
  9. Maxamuud Saalax Cabdi
  10. Maxamed Khaaliif Nuur
  11. Siciid Maxamed Ismaaciil Khaliil
  12. Mustafe Cumar Faarax
  13. Maxamed Iidle Cabdulle
  14. Maxamuud Axmed Saalax
  15. Cabdirisaaq Maxamed Cali
  16. Siciid Yaasiin Maxamed
  17. Aamina Cali Yuusuf
  18. Khadiija Maxamuud Yuusuf
  19. Xaliimo Cumar Cali Dheere
  20. Saynab Cali Shire
  21. Dr. Maxamed Axmed Cabdi
  22. Suleymaan Cawad Bukhaari
  23. Khadar Cali Xasan
  24. Kaltuun Khaliif Dubbe
  25. Siciid Maxamed Cismaan

Fiiro – gaar ah:  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaa. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Magacaabista Musharrax Muuse Biixi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.