Maxamed Biixi Yooni & Ismaaciil-yare oo Kashifay Hab-dhaqanka Muuse Biixi, Dhalliilna u Jeediyey Kulmiye

MAXAMED BIIXI YOONIS IYO ISMAACIIL-YARE OO MUUSE BIIXI KASHIFAY

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo immika tirsan Xisbiga Waddani, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay markii uu muddo dibedda Safarro ugu maqnaa, waxaanu Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inuu Qori Dable la wareegayo oo uu Qabyaalad ku kala qaybinayo Beelaha Somaliland, taasina ay tahay Nasiib-darro aan loo baahnayn oo ay ka soo horjeedaan in halkii Qaranku ku jiray Qabiil la soo geliyo.

MAXAMED BIIXI YOONIS IYO ISMAACIIL-YARE OO MUUSE BIIXI KASHIFAY

 

Waxaa Maxamed Biixi Yoonis Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kuwaas oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland xilligii Xukuumaddii Md. Rayaale, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo hadal kooban oo soo dhawayn iyo war-siin ah halkaas ka jeediyey.

Siyaasi Maxamed Biixi waxa uu ka warramay ujeeddada Safarkiisa uu ku soo maray dalal Afrika ah iyo kulammo uu sheegay inuu beesha caalamka Nairobi kula yeeshay iyo waxa uu kala hadlay oo uu qodobbada qaarkood ku tilmaamay in Somaliland laga taageero dhinacyada horumarka, aqoonsi-raadinta iyo wax ka qabashada abaaraha soo noqnoqda.

Waxaannu Hadallada Maxamed Biixi Yoonis iyo Ismaaciil-yare oo arrimo muhiim ah ka hadlay, idiinku soo gubinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan oo Wanaaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.