Dad 30 Ka badan oo Ku Dhintay iyo illaa Boqol Qof oo Ku Dhaawacmay Qaraxyo Muqdisho Gilgilay – Warbixin

QARAX MUQDISHO DAD BADAN KU DILAY 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan 30 Ruux, ayaa lagu soo warramayaa inay ku nafwaayeen oo ku dhinteen laba Qarax oo ka dhacay Galabta Muqdisho, halka ay Dad Tiradooda lagu sheegay illaa Boqol Ruux oo kale lagu soo warramayo inay ku dhaawacmeen Tiro badan oo kalena ku dhaawacmeen.

QARAX MUQDISHO DAD BADAN KU DILAY 2017

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 Qof ay ku dhinteen labo qarax oo gelinkii dambe ee Sabtidii Maanta ka dhacay magaaladaas. Qaraxa ugu horreeyay ayaa ka dhacay isgooyska Zoobe ee bartamaha magaalada oo ah isgooys aad u mashquul badan, kaas oo la sheegay in loo adeegsaday Gaadhi TM ah oo nooca Xamuulka ah oo walxaha qarxa lagu soo raray. Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

Saraakiisha Ammaanka dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in qaarxyadaasi loo adeegsaday Gawaadhi laga buuxiyay walxaha qarxa. Qiyaastii Boqol Qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa inay dhaawacyo gaadheen.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay, ayaa sheegay in uu indhahiisa ku arkay dhawr iyo toban Qof oo dhaawac ah oo ay u suurtagashay in ay ka baxaan goobta uu qaraxu ka dhacay. Weriyuhu waxaa uu intaasi ku daray in muddadii uu Muqdisho ka shaqeynayay ama ku noolaa aanu weligii arkin Qarax la mid ah kaa shalay ka dhacay Muqdisho.

Dhismaha Huteelka Safari, ayaa lagu soo warramayaa in uu dumay, waxaana la sheegayaa in Dad badan ay ku hoos jiraan burburka. Sidoo kale wuxuu burbur soo gaadhay Xafiiska Hay’adda Bisha Cas oo ku yaal meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay.

Saraakiisha gurmadka, ayaa Cusbitaallada u daabulaya Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, illaa haddana lama oga tirada rasmiga ah ee dhimashada, balse dad goobjoogeyaal ah, ayaa BBC-da u sheegay in dad badan ay dhinteen.

Sida uu sheegaya Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, xalaadda waxaa sii adkeeyay Dab ka kacay kaalin Shidaal oo u dhaweyd goobta uu qaraxu ka dhacay, kaas oo sababay in qiiq iyo uuro madow ay Cirka isku shareeraan oo Dadku waxba arki waayaan.

Qaraxa ka dib waxaa la maqlayay dhawaaqa rasaas goos-goos ah oo muddo socotay. Qaraxa labaad, ayaa ka dhacay degmada Madiina, waxaana ku dhintay labo Qof. Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay qaraxyadani. Balse, Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa horraan dhawr Qarax ka geysatay magaalada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.