Dad 20 Ka badan oo Ku Dhintay Qarax lagu Bartilmaameedsaday Huteel Safaari ee Magaalada Muqdisho & Wararkii u dambeeyey

QARAX KHASAARE BADAN DHALIYEY OO KA DHACAY HUTEEL SAFAARI EE MAGAALADA MUQDISHO 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan 20 Ruux, ayaa lagu soo warramayaa inay ku nafwaayeen oo ku dhinteen Qarax ka dhacay maanta Muqdisho, halka ay Tiro badan oo kalena ku dhaawacantay. Waxaanay Wararka qaar tilmaamayaan in dhimashadu 20 ka badan tahay.

QARAX KHASAARE BADAN DHALIYEY OO KA DHACAY HUTEEL SAFAARI EE MAGAALADA MUQDISHO 2017

Qaraxa, ayaa ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta. Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in Qaraxa lagu Bartilmaameedsaday Huteelka Safari oo ku yaalla Jidka KM 5, gaar ahaan Isgoyska Zoobe oo ah goob aad u samxad badan.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku geedaameen isgoyska iyo dhismayaasha ka ag dhow oo qaarkood ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.

Qaraxaasi ayaa waxa ku dhintay illaa iyo ku dhawaad labaatan ruux, iyadoo tiro badan kalena ay ku dhaawacmeen. Wariyaha VOA ee Muqdisho, ayaa sheegey in uu indhihiisa ku arkey meydadka illaa shan ruux oo meesha daadsan.

Waxa suuragal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa. Warar aan la xaqiijin ayaa soo warinaya in ugu yaraan laba Qof ay ku dhinteen qaraxaas.

Xigasho VOASomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.