Ciyaaryahan Hoggaanka u Haya doorashada Liberia iyo Natiijo Hordhac ah oo la Shaaciyey

George Weah oo hore u soo noqday xiddig dhanka ciyaaraha ah oo caalamka si weyn looga yaqaanno

Hargeysa(Aftahannews)- Doorashada Madaxweynaha Liberia, ayaa la shaaciyey inuu hoggaanka u haya George Weah oo hore u soo noqday Xiddig dhanka Ciyaaraha ah oo Caalamka si weyn looga yaqaanno; sida ay sheegayso Natiijada hordhaca ah ee doorashada dalkaasi ee 10-kii bishan dalkaas ka qabsoontay.

George Weah oo hore u soo noqday xiddig dhanka ciyaaraha ah oo caalamka si weyn looga yaqaanno

George Weah, ayaa hoggaaminaya 11 deegaan oo ka mid ah 15-ka deegaan ee la tiriyay codadkooda, Inkastoo codadka intooda badan aan wali la tirinin. Madaxweyne ku-xigeenka talada dalkaas haya Joseph Boakai oo ah Ninka ay sida wayn isu hayaan, ayaa hoggaaminaya hal deegaan oo keliya , kuwa kale intooda badanna kaalinta labaad ayay kaga jiraan.

Musharraxa la doortaa wuxuu beddeli doonaa Haweenaydii u horraysay ee Madaxweyne loogu doorto qaaradda Afrika, Ellen Johnson Sirleaf oo Sidoo kalena heshay Abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobelka.

Qofka ku guulaysanaya doorashadan wuxuu u baahan yahay in uu helo in ka badan 50% guud ahaan codadka la dhiibtay, taasoo haddii la waayo qof helay codad intaa leeg bisha soo socota ee Nofembar wareeg labaad oo doorasho la qaban doono.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.