Ciidammo Hubaysanoo Weeraray Telefishan Ciyaaraha Baahiya oo Dalka Switzerland Ku Yaal

BEIN SPORT TV OO CIIDAMMADA SWETZERLAND XOOG KU GALEEN 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammada Booliska waddanka Switzerland, ayaa u dhacay Xarunta Telefishanka Ciyaaraha baahiya ee Bein Sports oo ku yaalla magaalada Zurich, iyaga oo baadhitaanno ku sameeyey Xafiisyada kala duwan ee TV-ga, Shaqaalaha joogayna amar siiyey inay caawiyaan ah.

BEIN SPORT TV OO CIIDAMMADA SWETZERLAND XOOG KU GALEEN 2017

Ciidammada, ayaa baadhitaan ku gelalafay guud ahaan Xafiisyada, hannaanka Xisaabeed iyo Xogaha qarsoon ee Tv-ga, kuwaas oo ku khasbay Shaqaalaha inay u fududeeyaan qabashada hawl walba oo baadhisteeda ay u baahdaan.

War-Saxaafadeed uu soo saaray Maamulka Telefishanku, ayaa lagu sheegay inuu soo gaadhay codsi uga yimid Xeer-ilaalinta waddanka Switzerland, kaas oo ka dalbaday inay baadhitaan dhammaystiran ku sameeyaan Xafiisyada ku yaalla Baoulogne-Billancourt, kuwaas oo Ciidammo ay soo galeen subaxnimadii khamiista.

Baadhitaankan oo daba socda fatashaad lagu hayo mulkiilaha kooxda PSG, Nasser Al-Khelaifi oo sidoo kalena ah agaasimaha telefishanka Al-Jazeera iyo Bein Sports, ayaa waxa ay Xeer Ilaalinta Switzerland ee magacooda loo soo gaabiyo OAG ay sheegeen in telefishanku uu sifo sharci darro ah ku helay xuquuqda baahinta ciyaaraha koobka adduunka ee sannadaha 2018, 2022, 2026 iyo 2030, isla markaana uu hawshaas u fududeeyay Xoghayihii la eryey ee FIFA, ee Jerome Valcke.

“Bein Media Group waxay diidaysaa dhamaan eedaymaha uga yimid OAG. Shirkaddu si buuxda ayay ula shaqayn doontaa masuuliyiinta, waxaanay ku kalsoon tahay in mustaqbalka horumar laga samayn doono baadhitaanka.” sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.