Cirro Muxuu Ka Yidhi Natiijada Kulan uu Raysal-wasaaraha Itoobiya la yeeshay & Ku Biirista Waddani ee Xildhibaan Nacnac?

MUSHARRAX CABDIRAXMAAN-CIRRO OO KA HADLAY SAFARKIISA ITOOBIYA IYO KU BIIRISTA XILDHIBAAN NACNAC EE XISBIGA WADDANI 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti  uu hoggaaminayo oo Safar ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo  ay kulammo kula yeesheen Raysal-wasaaraha dalkaas iyo Masuuliyiin kale, ayaa gelinkii dambe ee shalay Hargeysa ku soo laabtay, isla markaana ka warbixiyey waxyaabaha ay kaga wadahadleen kulanka dhex-maray Raysal-wasaaraha Itoobiya.

MUSHARRAX CABDIRAXMAAN-CIRRO OO KA HADLAY SAFARKIISA ITOOBIYA IYO KU BIIRISTA XILDHIBAAN NACNAC EE XISBIGA WADDANI 2017

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Waddani, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayey oo dalka Itoobiya ugu maqnaa marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Raysal Wasaaraha dalkaasi sida oo kale na halkaas kulan kula soo qaatay raysal wasaaraha iyo  weli ba madax kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya, ayaa galabta (shalay galab) dib ugu soo laabtay dalka.

Weftigan Murashax Cirro oo muddo laba maalmood ah ku maqnaa dalka Itoobiya, ayaa waxa galabta Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Xisbiga WADDANI oo uu hor kacaayey xildhibbaan Axmed Diiriye Nacnac oo maanta ku dhawaaqey in uu ku soo biiray Xisbigaasi.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo soo dhaweyntaas ka dib afaafka hore ee Madaarka kula hadlay warbaahinta Somaliland, ayaa ugu horreyn waxa uu si weyn u soo dhaweeyey Xildhibbaan Nacnac oo maanta ku soo biiray Xisbiga WADDANI isaga oo sheegay in uu yahay odey qiime weyn ku leh qaranka Somaliland oo ay muddo soo wada shaqeeyeen.

“Ilaahay baan uga mahad-celinayaa in aanu nabad ku soo guryo noqonay, waxaana aanu safar shaqo ugu maqneyn dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, laakiin warka ugu weyni maaha kaayaga ee waa ka Xildhibbaan Nacnac, odey culus weeye oo ka mid ah odeyadii ugu cuslaa golaha Wakiilada oo waayo arag ah sida oo kale na ahaa Madaxweynaha saaxiibkii, anagu na isaga iyo Madaxweynaha ba saaxiib baanu ahayn, aad iyo aad baanan u soo dhaweynayaa.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, oo sida oo kale ka hadlaaya ujeedka safarkoodii shaqo ee ay ugu maqnaayeen dalka Itoobiya, ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey kulankii ay la qaateen raysal wasaaraha dalkaasi Mr. Hailemariam Desalegn oo uu sheegay in ay ka wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada Somaliland iyo Itoobiya isaga oo xusay in dhammaan ba waxyaabahii ay ka wada-hadleen ba ay labada dhinac ba ugu soo dhammaadeen si guuli ku jirto, waxaana uu yidhi:

“Safarkaasi wuxu ahaa marti qaad aanu ka helnay dalka Itoobiya, gaar ahaan raysal wasaaraha dalkaasi, si aanu uga wada xaajoono danaha labada dal ee jaarka ah, Raysal wasaaraha casuumaddiisa na waanu aqbalnay waana aanu tagnay, xubnahii weftiga na halkan baanu ku wada soconaa oo waxa naga hadhay uun Maxamed Biixi Yoonis oo isna Isha Allaahu dhakhso u imanaaya. Raysal wasaaraha waxa aanu ka wada hadalnay danaha labada dal oo ay ka mid yihiin arrimaha nabad-gelyada, iskaashiga dhaqaalaha, iskaashiga arrimaha gobalka ka taagan iyo guud ahaan ba doorashooyinka xiligan ka qabsoomaya Somaliland iyo wixii tallooyin ah ee ay nagu biirinaayeen, safarkaas iyo wada-hadalkaasi ba si wanaagsan oo is faham leh ayuu nooggu soo dhammaaday.”.

Murashax Cirro, waxa sida oo kale uu ka hadlay, kulan gaara oo isaga na ay la qaateen wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Itoobiya.

“Raysal wasaaraha Itoobiya intii aanan la kulmin, waxa aanu isaga na la sii kulanay wasiirka arrimaha dibadda oo hab maamuus ahaan na soo dhaweynaayey noo na diyaarinaayey in aanu la kulano raysal wasaaraha, markaa safarkaas shaqo wuxu nooggu dhammaaday siddii aanu rajeynay iyo si ka wanaagsan, waxaana dalkaas noogga muuqday uun in uu aad iyo aad u daneynaayo Somaliland oo ay jaar yihiin oo ay rabaana iskaashi intii hore ka weyn in ay mustaqbalka wada yeeshaan, waxa inaga dhaxeeya taariikh, waxa inaga dhaxeeya dad, waxa inaga dhaxeeya xuduud dheer oo aan is lee yahay waa ka ugu dheer ugu na amaanka badan.”. Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbiga UCID oo sheegayey in Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay u ololeystaan hab reeraysan, waxaana  isaga oo eedaasi iska foggeynaaya uu tilmaamay in  Faysal uu isku khaldaayo Xisbiyada KULMIYE.

“Faysal Cali Waraabe malaha waa uu isku kaaya khaldayee wuxu sheegayey baan u maleynayaa KULMIYE, anagu doorashada diyaar baanu u nahay oo ololaheedii sabtidan sabtideeda ayuu bilaabmayaa, shacbiga na waxa aan lee yahay u soo diyaar garooba ololaha oo aanu lee nahay sabtida dambe ba waa innoo ololahii oo bilaabma oo si nabad-galyo ah innoogu bilaabma, doorasho ayaana aanu diyaar u nahay, dimuqraadiyad baana aanu diyaar u nahay, nabad-galyo ayaanu diyaar u nahay.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.” Sidaa waxa lagu yidhi Warkan qoraalka ah ee Waddani ka soo baxay xalay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.