Shirkadda Telesom Iyo Heerkeeda Basaasnimo Ee Dhanka Teleefannada Dadweynaha

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkada is gaadhsiinta ee Telesom oo ku jirta hormoodka shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliland  ayaa dhawrkii sano ee la soo dhaafay sumcad ay ku leedahay dalka la dareemayaa hoos u dhaca dhanka isticmaalka adeegeeda dhanka Telephone-ka sida lagu baahiyey WARYA TV oo aannu warbixintan ka soo xigannay.

ASTAAN-TELESOM-AH

Warbixintan aannu ka soo xigannay WARYA TV, Dhacdooyinka sida aadka ah looga hadal hayo magaalada Hargeysa waxaa ka mida wada shaqaynta togan ee ka dhaxaysa xukumada Somaliland iyo shirkada is-gaadhiisnta ee Telesom.

Qoysas badan ayaa cabasho ka muujiyey, kuwaas oo aynu xogaha ay bixiyeen mid mid u soo qaadan doono, isla markaana sharaxaad ka bixi doona sida ay caruurtooda iyo ehelkooda ugu sameeyeen daba galka danbiyo loo haysto ama lala xidhidhinaayo oo aan cadayntooda la hayn shaaca ka qaaday, isla markaana farta ku fiiqday.

Hadaba qormadeena koowaad waxanu diirada ku saari doona falkii iyo lagu dilay Alle ha naxariistee Cawo Qaasim Ibraahim oo maxamed Ibraahim Warsame Adeer u ahaa oo ku dhawaad sanad lagu dilay magaalada Hargeysa.

Sheegista iyo daba galka Telesom ee la xidhiidha soo qabashada ragii dilay Cawo Qaasim waxay ku lahayd door aan marnaba la ilaabin Karin, waxaanay sheegtay goobta iyo halka laga helaayo qofka iyo dadkii ka danbeeyey dilkaas, iyada oo xiligaas adeegsanaysay adeegeeda  General Packet Radio Service (GPRS) ee laga heli karo qof kasta oo sita adeega shirkada, gaar ahaana Semi Card-keeda.

Dadka falkaas gaystay oo la sheegay inay dhaw qof ahaayeen ayaa la sheegay in intii aanay falka Cawo samayn ay sii baadheen nin la sheegay inuu ahaa shicib oo sitay Mobile, kaas oo ay adeegiisa ZAAD wixii ugu jiray kaga shubteen Mobile kale oo uu qof kale haystay.

Mobile lacagta lagu shubtay shaqsigii lahaa ayaa lagu war galiyey in lacagta uu ka saaro, isla markaana uu tuuro Semi Card-ka, waxaanu sameeyey sida amarka lagu siiyey. Lama ogaan karo maadama oo uu adeegii lagu daawan lahaa khadka ka baxay, waxaana la sheegay in warkiisa la waayey xili uu joogay xaafada Ayaxa ee isha Boorama.

Mudo lixbilood kadib ah ayaa la furay sida ay xustay xog aanu ka helnay saraakiil ka tirsan Telesom, waxaa la ogaaday in lix bilood ka dib uu shaqsigii lahaa Semi Card-ku la xidhay uu furay, isla markaana uu xiligaas imtixaan kaga jiro jaamacada Hargeysa, waxaana iyadoo laga daalacanaayo adeega GPRS .

Si marag ma doona ayaa halkii uu fadhiyey loogu haygay GPRS waxaana la keenay hoolkii uu imtixaankaga ka jiray wiilka sitay Mobile, waxaana qabtay koox ka socotay xafiiska danbi baadhista xukumada Somaliland, waxaana loo taxaabay xabsiga.

Qaybta labaad  waxaynu ku soo qaadan doonaa daba galkii ay shirkada Telesom ku samaysay Nadra Maxamed Jaamac iyo xogihii marag ma doonta ahaa ee ay bixisay

Xigasho WARYATV.