Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Ka Dareeray Kulan Lagaga Tashanayay Xeerarka Dorashada Iyo Saxaafada

Hargeysa(Aftahannews)-Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa maanta si wada jira uga soo dareeray kulan saddex geesood ah oo ay wada yeelanayeen guddiga Komishanka Qaranka,axsaabta mucaaradka ah iyo warbaahinta isla markaana lagaga hadlayay xeerka doorashada iyo anshaxa ay saxaafaddu ay uga hawl gali doonto doorashada.

Waxaana ay axsaabtu si adag u dhaliileen xukuumadda Somaliland oo ay ka dhawaajiyeen inay faro galin qaawan ku hayso.