Dawlada Somaliya Oo Wali Ku Hawlan Sidii Ay Ula Wareegi Lahayd Hawada

Muqdisho,(Aftahannews) – Heshiis dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ICAO ayaa leysku afgartay in ku dhawaad 30 cisho kaddib Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka hawadda.

2017920636414872376202581Qalabka-1

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka soconayay dhismaha qeyb ka mid ah qalabka lagu kootaroolayo hawadda Soomaaliya oo durbaba dhismihiisa la bilaabay.

2017920636414871772393751Qalabka-7

Wasiirka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Omaar aya wariyayaasha u sheegay in xadhiga laga jaray dhismaha qeyb ka mid ah qalabka oo lagu koontarooli doono saadaasha hawada.

2017920636414872145001797Qalabka-3

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda ICAO ayaa isku afgartay sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo wareejiyo magaalada Nairobi maamulka hawada Soomaaliya oo tan iyo markii ay dowladda soomaaliya bur burtay saldhig u ahaa, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho.