Daawa Siduu u dhacay Shil Gaadhi oo Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Arday Jaamacadeed oo Ka Dhacay Burco

SHILKA GAADHI EE LABADA ARDAY KU DHINTEEN EE BURCO KA DHACAY 2017.png

Burco(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee laba Wiil oo ka tirsanaa Ardayda Jaamacadda Burco, ayaa ku geeriyooday Shil Gaadhi oo ka dhacay Waddada Jaamacadda, ka dib markii ay laba Gaadhi oo kuwa Dukhaanka loo yaqaanno ahi isku dhaceen Maanta, Shan Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen.

SHILKA GAADHI EE LABADA ARDAY KU DHINTEEN EE BURCO KA DHACAY 2017.png

Labada Gaadhi ee isku dhacay ayaa noocoodu ahaa TOYOTA VITZ. Allaah h au naxariistee labada Marxuum ee Shilkaas Gaadhi ku dhintay, ayaa magacyadooda la kala odhan jiray Maxamed Axmed Aadan iyo Xuseen Ibraahim Axmed, waxaana xaaladda Dhaawacyada Shanta Ruux ka kooban iyo weliba sida ay u kala dhinteen labada Wiil Warbaahinta uga warramay Agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaalada Burco Cabdikariin Hayaan Maxamed.

Waxaannu Warbixinta Warka Shilkaasi siduu u dhacay Maanta iyo Agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo ka warramaya-ba, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.