BBC-da oo Somaliland ka Raalli-gelisey Fadeexad ay Faraha Gelisay oo la xidhiidha Colaadda Oromada iyo Soomaalida

Hargeysa(Aftahannews)- Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa raalli-gelin ka bixisay qaladaad ku jiray Warbixin ay ka diyaarisay sababta Salka u ah Colaadda u dhaxaysa Qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya, ka dib markii Salaasadii inna dhaaftay Oramadu Dad Soomaali ah oo 36 Ruux ka badan ku xasuuqeen magaalada Haawadaay oo Killalka Ismaamulka Oromada ka tirsan, kuwaas oo Jimcihii 28 ka tirsan lagu aasay magaalada Jigjiga.

Waxay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaligu Caawa la baahisay inay raalligelin ka bixinayso qaladka ka galay Warbixinta ay baahiyeen Habeen-hore, qaladkaas oo ahaa inay sababta colaadda Oramada iyo Soomaalida ku sheegtay inay ka bilaabantay laba Ruux oo Oromo ah oo lagu dilay Kaantarroolka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

“Idaacadayaddii xalay waxaannu baahinnay Warbixin ka hadlaysay dagaalka dhex-maray Qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya. Haddaba, waxay cabasho naga soo gaadhay Masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland oo dhibsaday Erayo ka mid ah Warbixintaas; ‘Eryga cabashadda keenay waxa weeye Colaadda hadda taagan ayaa lagu soo warramaya inay ka bilaabmatay laba Qof oo Oromo ah oo lagu dilay Magaalada Hargeysa.

Xaqiiqaduna sidaa maaha waa khalad turjuman ee ula kac may ahayn, waxaannu ka bixinaynaa raalli-gelin buuxda, waayo? Waxaannu ognahay inuu dilku ka bilowday dhinac kale. Qofka dilka ka fuliyay dhinaca Somaliland ayaa la sheegay inuu ka cadhaysnaa Dadka lagu dilay dhinaca Itoobiya. Waxaannu mar kale raalli-gelin ujeedinaynaa intii dhibsatay Eryaga khaladka ah ee naga dhacay.” Sidaa ayaa lagu yidhi Raalligelinta BBC-du ka bixisay qaladkaas oo uu Caawa Idaacadda ka Akhriyey Weriye Axmed Cabdinuur.

Warbixinta Raalligelintaas Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du qaldka ka dhacay ay Somaliland ka siisay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan Hoose ee ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.