Booliska oo Xidhxidhay Shaqaale ka tirsan Shirkadaha Biyaha iyo Laydhka ee Boorama iyo Sababta Keentay

Boorama(Aftahannews):- Ciidammada Booliska magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa Xabsiga u taxaabay qaar ka tirsan Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Shirkadda Biyaha ee Shaba iyo Shirkadda Korontada ee Aloog oo Boorama ka Biyaha iyo Laydka siiya, ka dib markii ay diideen inay Biilasha ku qabtaan Lacagta Shilinka Somaliland, sida ay Saraakiisha Boolisku sheegeen.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Awdal oo markii ay hawlgalkaas ay Xubnaha Shirkadaha Aloog iyo Shaba ku xidh-xidheen fuliyeen ka dib, Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Boorama, ayaa sheegay inay Xidhxidheen Lix Ruux oo labadaa Shirkadood ka tirsan, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay diideen Lacagta Shilinka Somaliland inay Shacabka magaalada ka qaadaan, diidmadaas oo uu ku tilmaamay dembi culus oo Qaranka Somaliland laga galay, isaga oo xusay Taliyuhu in Sharciga lala tiigsan doono labadaas Shirkadood Hawl-wadeennadooda.

Waxaannu Warbixinta Warkaas iyo Hadalka Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Awdal kaga warbixiyey Dadkaas ay u xidhxidheen diidmada Lacagta Somaliland, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.