Ardayda Noradin Schools oo Wacdaro Ka Muujiyey Imtixaanka Shahaadiga Dusiyada Sare/Dhexe ee Somaliland

ARDAYDA KAALMAHA SARE KA GASHAY IMTIXAANKA EE DUGSIYADA NUURADIIN 16 SEPTEMBER 2017.png

Hargeysa(Aftahannews):- Dugsiyada Nuuradiin oo inta badan Kaalmaha sare ku guulaysta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka Somaliland laga qaado sannad kasta, ayaa sannadkanna difaacday Boosaska ay hore caanka ugu ahaayeen ee inay ka mid noqdaan Ardayda Dugsiyada Nuuradiin ee Hargeysa wax ku barataa kuwa dhibcaha sare ku baasa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe iyo Sare ee Somaliland.

ARDAYDA KAALMAHA SARE KA GASHAY IMTIXAANKA EE DUGSIYADA NUURADIIN 16 SEPTEMBER 2017.png

Ardayda Kaalmaha hore gashay ayey Dugsiyada Nuuradiin ku yeesheen 11 Arday oo ku guulaystay Kaalmaha ugu sarreeya dalka oo dhan. Haddaba Maamulaha guud ee Dugsida Nuuradiin Mahad Ibrahim Maxamed oo ka hadlay Munaasibad loogu dammaashaaday Ardaydaas guusha gaadhay oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa hambalyo u diray Ardayda Somaliland ee Sabtidii Maanta loogu dhawaaqay imtixaanka shahaadiga, waxaanu si gaar ah ugu hambalyeeyey Ardayda sannadkani ka baxay Dugsiyada Nuuradiin, isla markaana waxa uu u mahadnaqay Ardayda kaalmaha hore ka gashay Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugisiyeedka 2017 ee ka baxay Dugsiyada Nuuradiin, isaga oo sheegay Mahad in Ardayda Dugsiyada Nuuradiin wax ku bartaa yihiin kuwo ku suntan Aqoon iyo Akhlaaq.

Waxana halkaasi lagaga dhawaaqay Ardayda kaalmaha hore ka gasha  imtixaanka shahaadiga ah kuwaasi oo iskugu jira Wiilal iyo gabdho:-  dugsiyada Sare ee dalka Asma Yuusuf Aadan Cabdi oo kaalinta koowaad  gashay, Amal Maxamed Xasan Jamac oo kaalinta labaad gashay, Samda Mustafe X. Askar oo kaalinta saddexaad gashay , Hibaaq Jaamac Cumar Axmed oo kaalinta toddobaad gashay, Raxma Abokor Cabdiraxmaan oo kaalinta siddeedaad gashay, Istaahil Aadan Xuseen Axmed oo kaalint  tobnaad gashay, Ardaydaasi oo ah Hablaha Kaalinta sare gashay tobbonka ugu sarreeya ee Dugsiyada Sare ee Dalka, ayaa wax ka bartay Dugsiyada sare ee Nuuradiin ee Gabdhaha u gaarka ah.

Waxa iyaguna kaalmaha hore ee dalka galay Dugsiyada sare, gaar ahaan Wiilasha:- Khaalid Maxmed Odowaa Tukaale oo ah Ardayga ugu sarreeya guud ahaan dalka, kaas oo ka sarreeyey marka lagu daro Dugsiga Sos oo gaar loo xisaabiyo, waxaanu keenay dhibco dhan 924, halka laga rabay 1000, Yaxye Cabdi Gaxnuug Gas oo kaalinta labaad galay, Xamse Cabdillaahi Muxumed Maal oo kaalinta shanaad galay, Guuleed Muxumed Jamac oo kaalinta Sagaalad galay. Dhammaan Ardaydaas oo galay kaalmaha ugu sarreeya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee dalka Somaliland, ayaa wax ka bartay Dugsiyada Sare ee Nuura-diin, gaar ahaan kuwa Wiilasha gaarka u ah.

Dugsiyada Nuuradiin oo kaalmo muuqda ka soo hooyey imtixaanka Shahaadiga ah eee Fasallada Siddeedaad, ayaa waxa halkaas laga yeedhiyey Ardayda ka baxday Dugsiga Noradin ee kaalamaha hore ka gashay Imtixaanka:- Xannaan Amiin Ismaaciil oo kaalinta saddexaad ka gashay imtixaanka Dugsiyada hoose.

Waxa halkaas ka hadlay Cumar Farax Cabdala oo ka warbixiyey sababaha keenay in Dugsiyada Noradin ay uga dhex muuqdaan Dugsiyada Somaliland, waxaanu sheegay in dedaalka sida laysu dheeryahay loo kala abaal-marin helayo, loona kala horreeyo, waxaanu sheegay in Dugsiyada Nuuradiin ay ku dhaafeen dhiggooda kale Maamul wanaag iyo Macallimii tayo sare leh oo Barayaal ka ah Dugsiyadaasi. Waxa kale oo uu sheegay  in ay isku xidhan yihiin Waalidiinta, Maamulka iyo Macallimiinta Ardayda wax ku barta Nuuradiin, si  loo xoojiyo tayada Aqooneed ee Ardayga Dugsiyada Nuuradiin dhigata.

Geesta kale, waxa halkaasi ka hadlay Waalidiinta labada Arday ee dhanka Wiilasha iyo Gabdhaha ugu sarreeya, kuwaas oo u mahad-naqay Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Noradin iyo dhammaan cid kasta oo ka gacan geysatay in ay Ardaydaasi soo hooyaan guulahaasi muuqda ee imtixaanka ay ka gaadheen iyo Kaalmaha ay galeen.

Munaasibaddaa Ardayda guulaysatay ee Dugsiyada Nuuradiin wax ka baranaysay loogu sameeyey Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:- 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.