Waa Kuma Madaxweynaha Cusub ee Maamul-goboleedka Hir-Shabeelle ee Dalka Soomaaliya loo Doortay?

MADAXWEYNAHA CUSUB EE HIRSHABEELLE Maxamed Cabdi Waare LOO DOORTAY 16 SEPTEMPER 2017

Jawhar(Aftahannews):- Baarlamaanka HirShabeelle, ayaa maanta u doortay Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Maamul-goboleedkaas, ka dib markii uu helay 74 Cod, noqdayna Musharrixii ugu codka badnaa 8 Musharrax oo ay jagadaas ugu tartamayeen.

MADAXWEYNAHA CUSUB EE HIRSHABEELLE Maxamed Cabdi Waare LOO DOORTAY 16 SEPTEMPER 2017

Waxa uu wareegga labaad uga adkaaday Daahir Cabdulle Cawaale oo helay 23 cod. Maxamed Cabdi Waare oo looga adkaaday doorashadii ugu horaysay ee HirShabeelle, taasoo uu madaxtinnimada ku guulaystay Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa muddo kasoo shaqeeyay arimaha bani’aadannimada.

Doorashada oo ka dhacday magaalada Jowhar ayaa timid ka dib markii uu baarlamaanka maamulkaasi xilka ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble, walow Cosoble aanu aqbalin go’aankaasi.

HirShabeellee ayaa ah maamulkii ugu dambeeyay ee kusoo biira nidaamka federaalka ee ay hadda ku dhaqanto Soomaaliya.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.