Arday Wasaaradda Waxbarashadu Shaacisay inay dhaceen Imtixaankii Dugsiyada Sare/Dhexe oo Hargeysa ka Dhigay Muddaharaad – Daawo

ARDAY XAFIISKA IMTIXAANAADKU SHAACIYEY INAY DHACEEN OO MUDDHARAAD KA DHIGAY HARGEYSA 16 SEPTEMBER 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Boqollaal Arday ah ayaa Muddaharaad ka sameeyey maanta magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka tirsanaa Ardaydii u fadhiistay Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe ee Somaliland 2016/2017, kuwaas oo in ku dhaw saddex Kun oo Arday dhaceen, sida uu ku dhawaaqay Sabtidii Maanta Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Qaranka Somaliland.

ARDAY XAFIISKA IMTIXAANAADKU SHAACIYEY INAY DHACEEN OO MUDDHARAAD KA DHIGAY HARGEYSA 16 SEPTEMBER 2017

Ardaydaas bannaanbaxa ka sameeyey Hargeysa, ayaa muddaharaadkooda la hor-tegay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, kuwaas oo jeejeexay qaar ka tirsan Boodhadhka Wasaaradda oo ay dhulka soo dhigeen, isla markaana Dhagaxan ku xidhay Jidka hor-mara Xarunta Wasaaradda ee Shacabka ee u kaca dhinaca Biriijka labaad ee Hargeysa ama Xaafadda Biibsiga.

Ciidammada Ammaanka oo goobtaa soo gaadhay, ayaa kala kaxeeyey Ardaydaas, waxaana Warbaahinta la hadlay Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo sheegay inaanay wax dhibaato ahi ka dhalan bannaanbaxa Ardaydu sameeyeen, isla markaana waxay intaas ku dareen in Imtixaan gaar ah laga qaadi doono muddo afar bilood ah ka dib, marka waxbarasho kooban dib loogu celiyo.

Waxaannu Bannaan-baxaas Ardaydu sameeyeen siduu u dhacay, Hadalka Taliyaha Booliska iyo Masuulka Wasaaradda Waxbarashada u hadlayba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.