Meydadka Soomaalidii Oromadu Laysay oo Aas iyo Baroor-diiq Loogu Sameeyey Jigjiga – Warbixin + Sawirro

SOOMAALIDII OROMADU XASUUQDAY OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYEY JIGJIGA 2017

Jigjiga(Aftahannews):- Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyey Allaah ha u naxariistee Meydadka 28 Marxuum oo ka tirsan Dadka Soomaalida ah ee ay Oromada Itoobiya ku Xasuuqday deegaanka Haawadaay oo Shaqooyin u joogeen Dadkaasi dhawr cisho ka hor. Waxaanay Dawlad-deegaanku ku dhawaaqday saddex Cisho oo Baroor-diiq in loo sameeyo Dadkaas.

SOOMAALIDII OROMADU XASUUQDAY OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYEY JIGJIGA 2017

Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal uu halkaas ka jeediyay dilka ku eedeeyey ismaamulka Oromiya ee dariska la ah, balse waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ee Oromada aysan wax eed ah lahayn, qaarkoodna ay badbaadiyeen dad Soomaali ah oo la baacsanayay.

Madaxwaynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, Markii salaadda Jinaasada lagu tukaday Meydadkaas, Xabaasha Dusheeda Warbaahinta kula hadlay, waxaanu Tacsi u diray Shacabka Soomaalida ee ay ka baxeen Dadkaas la laayey guud ahaan, gaar ahaan Qoysaska iyo Ehelada dadkaas laga laayey, kuwaas oo uu sheegay in iyagoon waxba galabsan si badheedh ah oo cadawnimo ah loo xasuuqay.

Waxa uu Madaxweynu Dadkaas la laayey Allaah uga beryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dhammaanna Samir iyo iimaan Saadiq ah ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen. Madaxwaynaha DDSI, ayaa sheegay in goobta uu ka socday xasuuqu ay si degdeg ah u tageen  Ciidammada Federaalka Itoobiya ee Millateriga iyo Booliska Federaalkuba oo ay si Muwaaddinnimo leh u soo badbaadiyeen 300 oo Qof oo  in la xasuuqo la rabay, kuwaas oo ku dhex noola Oromada.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in Dadkan  lagu xasuuqey meel ay goobjoog ka ahayeen Qaabdhismeedka nabadgeliyada Maamulka Bariga Hararge ee Oromada, balse waxaa jiray qaar ka mid ah Shacabka Oromada oo Dadka Soomaalida ah Guryahoda ku qariyey, si aan loo xasuuqin inta kale. Madaxwaynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dadka aan waxba galabsan ee innagu dhexnool aan waxba layeelin, si aan loo fulin ujeeddada Cadawgu leeyahay, sida uu hadalka u dhigay, waxa uu soo jeediyey inaan la dhibaataynin Ciddii Oromo ah ee Soomaalida ku dhex-nool.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda Maxamed Bile Xasan, waxaa jira labo Xabaalood oo kale oo qodan oo lala sugayo Meydad lasoo wado. Aaska, ayaa waxaa ka qeybgalay Dadweyne aad u faro badan iyo Mas’uuliyiin dawladeed. Maamulka, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo Baroordiiq ah oo loo murugoonayo Dadka la laalayay.

Dadka Lafahooda lasoo baxsaday waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Ciise oo isaga oo ku sugan magaalada Jigjiga u warramay BBC-da, wuxaanu yidhi; “Annaga oo aan waxba iska jireynin ayaa waxaa nasoo weeraray Ciidammada Booliiska Oromada iyo Dhalinyaro Faashash ku hubeysan, Inankii oo markaas Suuliga aaday ayay ku degeen, Annagiina markaan aragnay waxa dhacaya aqalka xagga dambe ayaan ka baxnay, waxaana nasoo badbaadiyay Ciidammada Millateriga Itoobiya.”

Ninkan oo sheegay in Walaalkiis la dilay, ayaa sidoo kale qiray in isaga indhihiisa uu ku arkay Meydadka illaa 50 Qof oo Soomaali ah. Waxa uu intaas ku daray in magaalada Haawadaay ee dhibku ka dhacay uu arrimo ganacsi u joogay muddo 20 sano ah, isla markaasna aanu dib ugu laaban doonin noloshiisa dhibaatada uu goob-joogga u noqday ee Illaahay isaga ka badbaadiyey darteed.

Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Ismaamulka Oromiya oo lagu magacaabo Adisu Arega, ayaa BBC-da u sheegay in Dadka dhintay ay dhanyihiin 18 qof, kuwaas oo uu sheegay in 12 oo keliya ay Soomaali yihiin, halka 6-da kale ay Oromo yihiin, sida uu ku dooday Afhayeenkaasi.

Wuxuu sheegay in rabshadaha ay bilaabmeen ka dib markii Ciidammada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay afduubteen Saraakiil ka tirsan Maamulka Oromiya oo markii dambe la dilay. Eedeytaasi waxaa diiday oo beeniyey, waxba kama jiraanna ku tilmaamay Masuuliyiin u hadlay dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Afhayeenka, ayaa intaas ku daray in xitaa Ciidammada Milliteriga Soomaalida Itoobiya ay ku lug leeyihiin dilalka ka dhacaya Ismaamulka Oromada, sida uu hadalka u dhigay. Hase-yeeshee, lama oga sida ay sheegashadaasi suurtogal ku noqon karto.

Masuuliyiin u hadlay dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya sheegtay in la laayey Dad Boqollaal Qof ka badan oo Soomaali ah oo Shaqooyin iyo Ganacsiyada Qaadka iyo Khudaarta u joogay deegaannada Oromada, gaar ahaan Haawadaay oo ah meesha dhibaatada ugu badan ee Xasuuqa ahi ka dhacay.

Dawladda Dhexe Federaalka Itoobiya, ayaan wali wax hadal ah kasoo saarin dhacdooyinkan, marka laga reebo inay sheegtay maalmo ka hor inay xalka dhibaatadaa u marayso Odayaasha Dhaqanka Dawlad-deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

Magaalada Harar waxaa la’isugu geeyay Dad badan oo Oromo ah oo laga daad-gureeyay deegaanka Soomaalida Itoobiya cabsi laga qabo in xiisaddu ay saamayso oo Shacabku ku wasiisiyo awgood.

Rabshadaha dhacay waxa ay xitaa saamayn ku yeesheen dhaqdhaqaaqa Ganacsiga, iyada oo Qaadkii laga soo qaadi jiray deegaannada Oromada ee iman jiray Somaliland iyo Dhulka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya uu gabi ahaanba joogsaday.

Dad kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo ku nool dalka Maraykanka, ayaa BBC-da u sheegay in ay aad uga xunyihiin waxa dhacay, iyaga oo ku baaqay in la qaboojiyo rabshadaha. Xukuumadda Somaliland, ayaa iyaduna ku baaqday inaan la dhibaatayn Oromada ku dhaqan magaalooyinka Somaliland oo ay aad ugu badan yihiin, kuwaas oo Xeryaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Goobo dawladdu ku ilaalinayso ku ururay oo aan lagu dhex-arkayn Suuqyada ay buux-dhaafin jireen ee magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.