Ujeeddada Kormeer ay laba Wasiir ku tegeen Dekedda Magaalada Berbera

Berbera(Aftahannews):- Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Beeraha Somaliland, ayaa kormeer hawleed ku tagay Dekedda magaalada Berbera, halkaas oo qalab iyo Gaadiid cusubi uga soo degeen Wasaaradda Beeraha.

Samaale_Geedoole

Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole, ayay soo dhaweeyeen Masuuliyiinta gobolka Saaxil, degmada Berbera iyo Dekeddu markii ay gaadheen maanta halkaas, waxaanay Wasiirradu ka mahad-celiyeen qaabka loogu soo dhaweeyey Berbera.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale, ayaa sheegay inay kormeerayaan sida ay hawlaha Dekedda Berbera u socdaan iyo weliba qalab iyo gaadiid Wasaaradda Beeraha Somaliland uga soo degay Dekedda Berberbera.

Waxa uu Wasiir Sameele sheegay inay iyaga oo ka duulaya siyaasadda u degsan Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo inuu dalka ku hoggaamiyo ay ku dedaalayaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada Bulshada iyo wax-soo-saarka, isaga oo xusay in mudnaanta koowaad la siinayo Wasaaradaha Caafimaadka, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha oo uu xusay inay yihiin Wasaarado halbawle u ah Qaranka.

Wasiirka Beeraha Somaliland Prof: Faarax Geedoole, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qalabka uga soo degay Dekedda Berbera oo isugu jira Cagafyada Beeralaha lagu qodo iyo agab kale oo uu tilmaamay inay wax wayn ka qaban doonaan Baahiyaha dhinaca Beeralayda reer Somaliland u qabeen Gaadiidkaas iyo weliba qalabka kale ee Beeraha lagaga shaqeeyo.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.