Maxay ka wadahadleen Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Millateriga Itoobiya?

Addis Ababa(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay maanta Taliyaha Ciidammada Millateriga Itoobiya Jen. Samora Muhammad Yunis.

2014215635280501910564609Ethiopia_1

2014215635280507771125433Ethiopia_7

Kulanka Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Millateriga Itoobiya dhex-maray oo qayb ka ah kulammada uu Raysal-wasaaruhu Addis Ababa kula yeelanayo Masuuliyiinta dawladda Itoobiya, waxay kaga wadahadleen xoojinta nabadgelyada Soomaaliya iyo dib-u-xoraynta deegaannada ay Kooxda Al-Shabaab gacanta ku hayso oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in lagula dagaallamo oo gacanta dawladda lagu soo celiyo.

Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Weftiga uu hoggaaminayo ee booqashada saddexda maalmood ah ee ay Jimcihii ku tageen Addis Ababa ku guda-jiraa, waxay booqasho ku tageen mid ka mid ah xarumaha ay leedahay Wershadda weyn ee dalka Ethiopia, taasoo qabata hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin samaynta qalabka Baabuurta, Baabuurta Ciidammada iyo Rasaasta.

Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan Askari oo dhawaan ka mid noqday kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana kulanka Cabdiweli iyo Yunis diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Itoobiya ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen xal u helidda nabadgalyo-xumada Soomaaliya.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa hore ula kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya Hailemariam Desaleng iyagoo kawada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii Itoobiya ay qayb uga qaadan lahayd howlgallada lagu soo celinayo nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya, ka dib 23-sano oo colaado ka taagnaayeen.

Aftahannews.com

aftahanince@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.