Somaliland oo ka hadashay digniin ammaan-darro oo ay dawladda Ingiriisku soo saartay

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhufatay, isla markaana War-bixin ay dawladda Ingiriisku soo saartay oo ka digaysay inay Muwaaddiniintoodu u safraan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ku tilmaantay mid xaqiiqada ka fog.

calanka Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Somaliland tahay waddan ammaan ah oo ay nabadgelyo buuxdaa ka jirto, wax ammaan-darro ah oo laga digo oo waqtigan ka taaganina jirin.

“Waannu ka xunnahay dawladda Ingiriiska oo ah dawlad xidhiidh badan oo taariikhi ah la leh Somaliland inay tidhaahdo  Somaliland nabadgelyo-darro ayaa ka jirta. Waxaannu leenahay Somaliland nabadgelyo-darro kama jirto. Somaliland waa dal ammaan ah oo nabadgelyo buuxda haysta. Somaliland waa dal qof waliba ammaan ku joogo, ammaan ugu nool yahay oo uu ammaan ku dhex-marayo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse.

Wasiir Cukuse waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Waxaannu dawladda Ingiriiska iyo dawladaha caalamka-ba u sheegaynaa inaanay nabadgelyo-darro ka jirta Somaliland jirin. Waxaannu leenahay Warbixintaasi waxay ahayd mid xaqiiqda ka fog.”

Waa markii ugu horreysay ee ay dawladda Ingiriisku intii lagu jiray sannadkan 2014-ka ay soo saarto warbixin ay kaga digayso ammaanka Somaliland. Hase-yeeshee, waxaa ka horreysay Warbixin ay bilawgii sannadkii hore ee 2013 soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Britain oo ay ugu digaysay Muwaaddiniinteeda inaanay u safrin Somaliland iyo Soomaaliya, kuwa ku suganina ay si dhaqso ah uga baxaan khataro nabadgelyo-darro awgeed, taasoo ay dawladda Somaliland-na si adag uga jawaabtay oo uu illaa Madaxweynuhu ka hadlay.

Aftahannews.com

aftahanince@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.