Wadahadal u socday Guddiyada labada Garab ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Burburay

Hargeysa(Aftahannews):- Wadahadal u socday Guddiyo ay iska xuleen labada Garab ee Golaha Wakiillada Somaliland ee khilaafku ka dhex jiray bilihii ugu dambeeyey, ayaa burburay, isla markaana natiijo la’aan ku dhammaaday, sida ay maanta shaaca ka qaadeen Guddiyadaas oo dhinac walba toddoba xubnood iska soo xulay.

GUDDIYADA LABADA DHINAC LIX KA MID AH

Guddiga oo ka koobnaa 14 Xildhibaan, oo dhinac waliba toddoba xubnood iska soo xulay, ayaa sheegay in wadahadalkooda u socday ay isku mari-waayeen, isla markaana ay ku kala kaceen maanta, ka dib markii ay isla-dhaafi-waayeen qodobbo ka mid ah kuwa khilaafku ka taagnaa.

Waxay Guddiyada labada dhinac ee wadahadalkoodu inuu sii socdo ama ay go’aammo ka soo saaraan ku guul-darraystay sheegeen inay xalka arrintaas dib ugu celiyeen Guddiga dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida Somaliland oo xallintoodu keentay inay Guddiyadani wadahadlaan.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com.

Hargeysa/Somaliland.