Waa Immisa Tirada guud ee Ceelasha Biyaha dalka Somaliland leeyahay?

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay tiro-koob lagu ogaanayo tirada guud ee Ceelasha Biyaha ee dalka ku yaalla ka samaysay gobollada iyo degmooyinka waddanku ka kooban yahay.

CEELBIYOOD

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland, ayaa daraasad iyo cilmi-baadhis ku samaysay dhammaan Ceelasha dhaadheer ee Biyaha laga cabbo ee ku yaal gobollada dalka oo dhan. Sidaana waxa lagu sheegay warbixin qoraal ah oo uu  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ka soo saaray gunaanadka daraasad ay laba kooxood ku soo mareen gobollada dalka. Warbixintaasina waxay u qornayd sidan:-

“Aqoonyahanno ka tirsan Wasaaradda Khayraadka Biyaha ayaa soo gabagebyey tirakoob lagu soo sameeyey ceelasha dhaadheer ee wadanka. Shaqaalahaasi waxay ka ambabaxeen xarunta Wasaaradda Khayraadka Biyaha maalintii ay taariikhdu ahayd January 2deedii waxayna hawshooda soo gebageyeen February 5 teedii. Waxaa sii ambabixiyey wasiirka Khayraadka Biyaha, Xuseen Axmed Cabdulle.

Waxay soo mareen dhammaan ceelasha wadanka Somaliland oo dhan. Waxay u qaybsameen laba qaybood. Qayb u baxday barriga gobolada Somaliland oo soo martay illaa 150 ceel oo dhaadheer oo uu hoggaaminyey Eng. Cismaan C/laahi Cali (Cismaan Caato).  Waxay soo mareen goboladda Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Qaybta u baxday galbeedka Somaliland waxaa hogaaminayey Eng. Mustafe Ciise Xuseen (Mustafe Xaabo) oo soo kormeeray 130 ceel oo dhaadheer. Marka laysku geeyana waxay soo kormeereen 280 ceel (Strategic Boreholes). Waxay soo mareen goboladda Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil.

Kormeerku wuxuu ku sabsanaa xaalada ceelasha oo ay ka mid yihiin: dhadhanka biyaha, cida leh ceelka, cida ka cabta ceelka xoolo iyo dad, inuu u baahan yahay dacaytir iyo in kale.

Ta ugu muhiimsan waxay ahayd iyada oo la ogaanayo GPS Coordinates ceelasha. Macluumaadkaa waxaa la galinayaa Data Base online ah. Markii  loo baahdo macluumaad ku saabsan ceelashaa la soo maray waxaa la galayaa website lagu ururiyey cilmi baadhistaas.

Waxa farsamo iyo dhaqaale ahaan suurta geliyey haya’da FAO/Swalim oo uu madax u yahay khabiir Cali Ismaaciil.Natiijada ka soo baxda waxaa loo dirayaa magaalada Nairobi oo lagu shaybaadhayaa ka dibna waxaa loo soo celinayaa Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo u rurinaysa xogta ceelasha. Waana markii ugu horeysey ee xog ururin baaxadan leh laga sameeyo Somaliland.”

Waa markii ugu horreysay ee tiro-koob noocan oo kale ah lagu sameeyo, isla markaana lagu ogaado tirada Ceelasha Biyaha ee dalka Somaliland oo dhan iyo weliba gobol kasta iyo degmo walba inta Ceel-biyood ee shaqaynaysa ee ku yaalla.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.