Maayerka Hargeysa oo Sheegay inaan Shaqaalaha Dawladda Hoose Laba Bilood Mushahar la Siinnin iyo Sababta Keentay

MAAYERKA CAASIMADDA HARGEYSA CABDIRAXMAAN SOLTELCO

Hargeysa(Aftahannews):- Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shaaca ka qaaday inaan Shaqaalaha Dawladda hoose ee Hargeysa muddo laba bilood ah wax mushahar ah la siinnin, taasoo ay sababtay inaanay Dadweynuhu bixin badi Cashuurta ku waajibtay, sida uu ku dooday Duqa Caasimaddu.

MAAYERKA CAASIMADDA HARGEYSA CABDIRAXMAAN SOLTELCO

 

Maayer Soltelco waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlay Waddada Togdheer ee Suuqa Hargeysa oo Dib-u-dhis ay Shaqaalaha Dawladda Hoose ka bilaabeen, waxaanannu Maayerka oo arrimahaas mushahar la’aanta iyo kuwo kaleba ka hadlaya, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.