Sidee Booliska Somaliland u Qabteen Sheekh Aadan-Sune oo Xalay Xabsiga loo Taxaabay?

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Hargeysa(Aftahannews):- Waxaa Goordhawayd Ciidamada RRU-da xoog ku galeen guriga Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Sune) oo ku yaala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa Rasaas Xoogan Oo laga Maqlayey Gudaha Caasimada hargeisa Gaar ahaan Xaafadan uu Sheekhu Degan yahay oo Cabsi galisay Bulshada Waxaana Ciidanka Ka horyimid Dhalinyaro Ka gadooday Xadhiga Sheekha Hadaba Ilo xogogaal ah oo aanu helayno ayaa noo Xaqiijiyay In Hawlgal Ciidanku Caawa Sameeyeen Kusoo galalfeen Guriga Uu ka dagan yahay Sheekh Aadan Sune Magaalada hargeisa, Arrinta Sababatay xadhiga Sheekh Aadan Sune Ayaa ka Danbaysay kadib Markii Ciidamada Booliska Somaliland Toddobaadkii hore magaalada Hargeysa ka fuliyeen hawlgalo ay ku xidheen dhallinyaro wadaado ah oo guryahooda goor habeenimo ah loogu daatay.

Dhallinyarada oo aan tiradooda si rasmi ah loo garanayn ayaa lagu sheegayaa ilaa 7 xubnood, waxaanay ciidamada Boolisku dhalinyaradaas ku eedeeyeen inay qorshaynayeen falal liddi ku ah ammaanka guud ee qaranka Somaliland. Afhayeenka ciidanka Booliska gaashaanle-dhexe Faysal Xiis ayaa saxaafadda u xaqiijiyay xadhiga dhallinyaradan, waxaanu yidhi “Ciidanka Boolisku waxay galeen hawlgal aad iyo aad u balaadhan iyagoo kaashanayay hay’adaha ammaanka ee ay gacan saarka dhow la leeyihiin,waxaana hawlgaladaas lagu soo qabtay tiro dad ah oo maleegayay falal khatar ku ah nabadgelyada guud ee dalka iyo shacabka reer Somaliland.”

Boolisku way ka gaabsadeen inay ka hadlaan dambiyada lagu tuhmay dhallinyaradan, waxaanu Afhayeenku yidhi “Waxa socota baadhistii kiiskaas oo ay ciidamada boolisku baadhayaan, ka hordhici mayno baadhista wixii ka soo baxana waan u wada joognaaa.” Hase yeeshee Sheekh Aadan (Aaden-sune) ayaa salaadii ciidda wuxuu garoonka Hargeysa Stadium ka sheegay in dhallinyaradaas culimada ah lagu xidhay dulmi, waxaanu ku baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo. “Culimadii ayaa lagu tacadiyayaa.” ayuu yidhi Sheekh Aadan-sune oo dawladda, salaadiinta iyo shacabka ugu baaqay in laga shaqeeyo sidii dhallinyaradaas loogu soo celin lahaa xorriyadooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.