Nuxurka heshiisyo Addis Ababa ku dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Ethiopia

Addis Ababa(Aftahannews):- Dawladaha Ethiopia iyo Soomaaliya, ayaa kala sexeexday heshiis laba dhinac ah oo ay qalinka ugu kala duugeen Wasiirrada arrimaha dibedda iyo Warfaafinta ee labadaas dal, waxaana heshiiska laba geesoodka ah ee Addis Ababa ku dhexmaray waddammadaas goob-joog ka ahaa Raysal-wasaarayaasha Itoobiya iyo Soomaaliya.

640x427x628.jpg.pagespeed.ic.q5TsE9Nojt

640x427x250.jpg.pagespeed.ic.h9O7wSZPpN

640x427x539.jpg.pagespeed.ic.wT6afx3LCD

Wasiirrada arrimaha dibedda iyo Warfaafinta dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa heshiis ku gaadhay magaalada Addis Ababa. Heshiiska labada dal ay wada-gaadhen, ayaa la sheegay inuu u badan yahay mid ay wax is dhafsanayaan Wasaaradaha xilligan heshiiska gaadhay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo ay Wasaaraddiisu heshiiska la gashey Itoobiya, ayaa faah-faahin ka bixiyey heshiisyada ay labada dal gaadhen, isla markaana waxa uu sheegay in dhiggiisa dalka Itoobiya ay ka wadahadlleen arrimo badan oo ku saabsan isdhaafsiga wararka, horumarinta Warbaahinta labda dal, tabobabar-siinta shaqaalaha iyo xoojinta wada-shaqeyn dhexmarta labada Wasaaradood, isagoo xusay in ugu dambeyntii ay qalinka ku duugeen heshiis laba dhinac ah.

“Waxyaabaha aannu ku heshiinnay waxaa ka mid ah in Wararka ay ka qaataan ama ay ka xigtaan Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA  (Somali National News Agency), annaguna aan wararka ka soo qaadanno Wakaaladda Wararka u faafisa Ethiopia ee Ethiopian News Agency (ENA), waxaanan rejeynayaa in wixii maanta ka dambeeya uu dhaqan-gelayo heshiiskaas aannu kala saxiixannay Wasiirka Warfaafinta ee Ethiopia.” ayuu Wasiirka hadalkiisa ku daray.

Waxaa uu soo hadal qaaday wasiirku isagoo ka hadlayey heshiiska ay wasaaraddisu la gashey maanta wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya inay jiri doonto barnaamijyo taxanne ah oo Wariyeyaasha ay ka soo diyaarin doonaan dalka Itoobiya kaasi oo socon doono muddo lix bilood ah, isagoo intaa ku daray in dhankooda ay Wariyeyaal u soo dirsan doonaan Soomaaliya oo lix bil barnaamij soconaya ka diyaarsan doonaan gudaha dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, waxaa uu ka hadlay heshiis ay wada gaadheen Wasaaradaha arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu sheegay inay labada dhinac ku heshiiyen oo ay kala saxiixdeen heshiis wax wada-qabsi ah oo uu la saxiixday dhiggiisa dalka Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus, isagoo xusay in kulammadaasi ay guul ku dhammaadeen.

Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo ay kulammadu Masuuliyiinta labada dhinac uga socdeen maanta illaa caawa, waxaana saacadaha soo socda la filayaa inay kulammo gaar ah wada yeeshaan Raysal-wasaareyaasha labada dal.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.