Kenya oo deedifaysay inay caqabad ku noqotay Dacwadaha Maxkamadda ICC kaga socda Madaxdooda

Nairobi(Aftahannews):- Xeer-ilaaliyaha guud ee dawladda waddanka Kenya, ayaa gaashaanka ku dhufatay eedaymo shaaca ka qaaday in dawladda Kenya ay ka socon wayday, isla markaana ay caqabad ku noqotay Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dalkaas oo ka socotay Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC.

Kenya

Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta waxay ka socotaa Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Xafiiska dacwad-oogaha Maxkamaddaas, ayaa sheegay in Kenya ay ku gacan-seydhay dalab uga yimid Maxkamadda oo ahaa in ay soo gudbiso macluumaadka ku saabsan Xisaabaabta Bangiga iyo wicitaanka taleefoonnada Kenyatta. Hase-yeeshee, Githu Muigai, ayaa sheegay in shaacinta macluumaadkaasi ay xadgudub ku tahay dastuurka dalkiisa.

Uhur Kenyatta ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in la gaystay ka dib doorashadii muranka dhalisay ee sanadkii 2007-da. Laakiin Uhuru waa uu diiday eedeymahaas.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC-da Fatou Bensouda ayaa haatan codsatay in dib loogu dhigo dhagaysiga dacwadda Uhuru. Waxay sheegtay in aanay hayn caddaymo ku filan oo hore loogu sii wado dhagaysiga dacwaddan.

Dadkii Makhraatiga ka ahaa dacwadda loo haysto Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa la sheegayaa inay qaarkood dhinteen, kuwo kalena ay diideen inay Madaxweynaha ku markhaati-furaan, kuwaasoo la sheegayo inay isugu jiraan kuwo cabsi awgeed uga gaabsanaya iyo kuwo la tibaaxay in Laaluush la siiyey si ay uga gaabsadaan inay ku Markhaati-furaan Madaxweynaha Kenya..

Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto, ayaa isaguna dacwad taas la mid ahi uga socotaa Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC. Waxaana labada Masuulba lagu haystaa eedaymo loogu jeediyey inay qayb wayn ka qaateen Xasuuq waddanka Kenya ka dhacay sannadkii 2007-dii daba-yaaqadiisii, ka dib markii la isku khilaafay doorashadii Madaxtinnimada oo sannadkaa qabsoontay dalka Kenya, dad kun qof ka badanina ku naf-waayeen rabshadihii ka aloosmay ku dhawaaqistii natiijada doorashada.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.