Fadeexad ka dhalatay Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo dul-hoganaysa dawladda Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay, ayaa shaaca ka qaadday Hub la siiyey dawladda Soomaaliya in si toos ah loo lunsaday, isla markaana uu gacanta u galay Beelo ka mid ah Beelaha Soomaaliya, halka qayb kalena ay gacanta u gashay Xarakada Al-Shabaab.

somalia_monitoring_group

Hubkaas ayey Warbixintu sheegtay inay ku jiraan Hub ay dawladaha Jabuuti, Masar iyo Turkigu ku caaweyeen dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo. Sidoo kale waxay Warbixintu sheegtay in Hubkaas uu isna qaybtiisa doontay oo haatan Muqdisho arrintaasi u joogo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Guddiga daba-galka Qaramada Midoobey ee u qaabbilsan cuno-qabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya iyo Erriteria ee loo yaqaan (UN Monitoring Group), ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku shaaciyeen inay uu isa soo tarayo Hubka Soomaaliya ee lagu soo iibiyo magaca Dowladda ee gacan gala Ururka Al-Shabaab.

War-bixin uu soo saaray Guddiga, oo lagu baahiyay Wakaalada Wararka ee Reuters, ayaa waxa lagu sheegay inay jiraan Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo qaarkood la taliyayaal u yihiin Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay hub gaadhsiiyaan Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kutukade).

Saraakiisha Madaxtooyada ee hubka u tahriibaya Al-shabaab oo la sheegay inay ka soo jeedaan Beesha Abgaal, sida qoraalka lagu xusay, ayaa door fir fircoon ka qaatay in Al-shabaab gacanta ku dhigaan hubka ay soo iibsato Dowladda.

Hub ay Dowladdu ka heshay mid ka mid ah Wadamada Khaliijka Carabta, oo aan lala socodsiin guddiga dabagalka hubka Soomaaliya ee qaramada midoobay (UN Monitoring Group), ayaa laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu xareeyay bakhaaro ayna Dowladdu Maamulin, iyadoo markaasi ka dibna hubka loo qaybiyey hanaan beeleed.

Guddigan, ayaa wuxuu ku talinayaa in Soomaaliya lagu celiyo cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, ilaa laga helayo kalsooni ay la timaado Dowladdu, laguna xaddidi karayo inaanay hubka u gacan-gelin Ururka Al Shabaab.

War-bixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu Qaramada Midoobay ka codsaday in la kordhiyo wakhtiga cuno-qabateynta laga khafiifiyey Soomaaliya, maaddaama oo muddadii hore cuno-qabateynta Hubka uu Soomaaliya uga dabciyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu ku eg-yahay lixda bisha saddexaad ee sannadkan oo ahayd waqti ku-meel-gaadh ah.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.