“Ceeb ayey ku tahay Xisbiga Waddani Dagaal ka dib markaan ka guulaystay inay yidhaahdaan…” Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle

AXMED-YAASIIN SHEEKH CALI AYAANLE OO WEERARAY XISBIGA WADDANI 03 SEPTEMBER 2017

Boorama(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Toddobaadkii hore loo doortay Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay inay Xisbiga Waddani ceeb ku tahay in markuu kaga guulaystay tartan dagaal ka dhignaa oo ay la galeen markuu kursiga u tartamayey, ka dib markuu guulaystay yidhaahdaan; ‘Annagaa Waddani ahaan doorannay’, sida uu hadalka u dhigay.

AXMED-YAASIIN SHEEKH CALI AYAANLE OO WEERARAY XISBIGA WADDANI 03 SEPTEMBER 2017

Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey magaalada Boorama oo ay isaga iyo Wefti Kulmiye ah oo Madaxweyne Ku-xigeenku hoggaaminayaa Booqasho iyo Dabbaal-deg isaga lagu galbiyey ku tageen Axaddii Maanta. Waxaanannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.