Ruushka oo Weeraray Xarumaha Korontada ee Ukraine iyo Zelenskyy oo Qaylo-dhaan diray

Lviv (aftahannews):- Ruushka oo qaaday weerar gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn maanta oo sabti ah,  ayaa waxyeello u geystay xarumaha tamarta iyo kaabayaasha muhiimka ah ee guud ahaan dalka Ukraine.

Weerarkaasi ayaa ku kaliftay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy inuu soo saaro codsi cusub oo ku saabsan gargaar dheeri ah oo difaaca hawada ah oo uu dalkiisa ka helo awoodaha reer galbeedka ee taageera oo uu Mareykanka ugu horeeyo.

Intii uu waday duqeeynta Ruushka gobolo dhoowr ah oo Ukraine ah, ayaa waxa socday digniinaha dadka loo jeedinayo inay gabaad ka galaan muddo socdeen sedax saacadood ah.

Warbaahinta iyo baraha bulshada qaar ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinya dadka oo goor habeen ah u cararaya meelo gabaad ah.

Barasaabka gobolka Lviv Maksym Kozytskyi ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen weeraradan isla markaana saddex xarumood ay waxyeelo ka soo gaartay, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollo ku yaal xadka Ukraine ay la wadaagto Poland, balse muu bixin faah faahin intaas dheer.