Wasaarad Cuntooyin iyo Sharaabbo dhacay oo laga ganacsanayo ka ururisay Suuqyada Laascaanood

Laascaanood(Aftahannews):- Badeecado isugu jira noocyada kala duwan ee Cuntooyinka fudud, Sharaab iyo Caano dhammaantood waqtigoodu dhacay, ayaa lagu soo bandhigay xarunta Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ee magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

2014214635279594123754185alaab_dhacdday_4

2014214635279592467325721alaab_dhacdday

2014214635279592956133970alaab_dhacdday_1 2014214635279593270787065alaab_dhacdday_2 2014214635279593620735952fuaad 2014214635279593748239554alaab_dhacdday_3

Xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee magaalada Laascaanood, ayaa maanta lagu soo bandhigay alaabooyin badan oo laga soo ururiyey Suuqyada Ganacsiga ee degmadaas, kuwaasoo waqtigii loogu talo-galay in la isticmaalo dhaafay oo dhacay.

Alaabtaas oo isugu jirta Raashin, Sharaab, Buskud iyo alaabooyin kale, ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu iibinayay Dukaamo ku yaalla magaalada Laascaanood sida uu sheegay Isu-duwanaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ee gobolka Sool Fu’aad Maxamed Cumar.

Fu’aad wuxuu sheegay in alaabooyinkani ay yihiin kuwo dhacay oo sun ah lagana iibinayay shacabka, iyadoo siyaabo badan la adeegsanayo, isagoo intaas ku daray inay weli jiraan qaar shaabbado lagu cusboonaysiinayo loo sameeyay.

Mas’uulkan ayaa ku hanjabey inay maanta soo ururiyeen, balse ay mar labaad ciddii lagu arko ay tallaabo ka qaadi doonaan, taasoo la mid ah dhibaatada ay dadka shacabka ah u geysanayaan. Waxaanu xusay in Alaabooyinka ay qabteen qaarkood muddo sannado ah la soo dhaafay waqtigii isticmaalkooda oo ay dhawr sano dhacsanaayeen, halka ay dadka qaarkood sheegeen in waxyaabo shan sano dhacsanaa laga iibiyey.

Wasaaradda Caafimaadka gobolka Sool, ayaa dhawaan baahisay inay tallaabo tan oo kale ah ka qaadayso goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo dawooyinka dhacay, waxaanay sheegeen inaan la eegayn oo keliya dawada dhacday ee la eegi doono samayska dawooyinka.

Tallaabadan ayaa dadku u arkaan mid loo baahnaa in wax laga qabto dhibaatada xooggan ee ay Badeecadaha iyo dawooyinka dhacay iyo kuwa aan tayadoodu marka horeba wanaagsanayn ee ay Ganacsatadu sida naxariis-darrada ah uga iibinayaan Shacabkooda, oo aanay noloshooda iyo caafimaadkooda danaynayn, balse ay keliya ka fikirayaan sidii ay waxyaabaha noocaas ah lacag badan uga faa’iidi lahaayeen. Waxaanay dadweynaha qaarkood sheegeen inay ku faraxsan yihiin tallaabada ay Wasaaradda Ganacsigu qaadday, Wasaaradda Caafimaadkana ay sidaas oo kale ka rejaynayaan.

Aftahannews.COM

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.