Ban Ki-Moon iyo dawlado kale oo Cambaareeyey weerar Al-Shabaab ku qaadday Qaramada Midoobay

New York(Aftahannews):- Qaramada Midoobay, dawladda Soomaaliya iyo dawlado kale oo caalami ah, ayaa si kulul u cambaareeyey Weerar ismiidaamin ahaa oo shalay lagu qaaday Gaadiid ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa lahayd oo dadkii saarnaa loo geystay dhimasho iyo dhaawac kala duwan.  

Ban Ki-moon

Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-moon ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta shalay ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa lala beegsaday mid kamid ah gaadiidka ay iska leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR. Kaasi oo ay la socotay haweenayda hay’addaasi u qaabilsan Soomaaliya.

Ban ki-moon ayaa sheegay in marnaba hakad geli doonin howlaha ay Qaramada Midoobay ka hayso Soomaaliya isla markaana sii wadi doonto taageerada ay siinayso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas raaciyey in ay gacan ka geysan doonaan sida looga hortagi lahaa weerarada noocaas kale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna ku hanjabeen in sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan Hay’addaha iyo ajaaniibta ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya, ayaa isaguna sheegay inuu ka xun yahay weerarkaas ay Al-Shabaab ku qaadday Gaadiidka Qaramada Midoobay, isla markaana uu si kulul u cambaaraynayo.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa iyagu sheegtay Masuuliyadda weerarkaas qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca isugu jira dhaliyey ee ay ku qaadeen Gaadiidka Qaramada Midoobay.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.